5 Fikir oo Sahlan oo Markii Dambe Noqday Shirkado Waaweyn oo Malaayiin Doolar Ku Fadhiya

 

Maalinna ma ku riyootay inaad hesho fikrad cajiib ah oo kaa dhigta Millionaire? Ma sugtay ilbiriqsiga iftiinka ee kaa dhigaya inaad ku fakarto shey aan lagaaga horreyn, kaas oo habeen iyo maalin ku noqon kara howl weyn oo dad badani ay ka faa’iidaan.

Waa fursadda soo martay maalqabeenno badan oo hamigoodu uu aad u sarreeyay markii hore, kuwaas oo soo hindisay badeeco kacdoon ka sameysay suuqa oo qaarkood ay sii jireen tobonaan sanno kadib markii la soo hindisay.

Websiteka BBC Mundo ee dalka Spain ka soo baxa ayaa qoray 5 badeeco oo saameyn weyn ku yeeshay waqtigoodii waxbadanna ka bedelay nolosha jiilal badan:

  1. Badhanka yar ee daasadaha laga furo

 

Marka aad daasad furato oo badhanka yar ee sare si sahlan uga furto, waxaa dhici karta inaadan ku fakarin qofkii soo hindisay. Waa shay yar oo sahlan oo cid la’aanteed u dhutineysaa aaney jirin, laakiin nolosha dad badan u sahley, inta aan lasoo hindisin dadku midiyo ayey u isticmaali jireen si ay daasadaha yaryar u furtaan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Ermal Fraze oo u dhashay dalka Mareykanka ay ku adkaatay inuu daasad Biza loogu keenay uu furto, waxa uu ku fakaray maxaa loo waayey howl fududeyn looga maarmo middi lagu furo daasadaha? Markaas ayuu soo hindisay badhanka yar ee sare ee daasadaha laga furo sanadkii 1963, ayuu uu firkaddiisa ka iibiyay shirkad la yiraahdo Alcoa oo Aliminiyoomka sameysa.

Badhankaas yar markii ugu horreysay waxaa loo isticmaalay daasadaha Iron City Beer, markaa shirkadda wax iibsigeedu waxa uu kordhar saddex laab intii markii hore ay dadku ka iibsan jiree.

  1. Bankiga Nasiibka

Waa mid ka mid ah ciyaaraha miiska ee ugu shacbiyadda badan adduunka, ciyaartan danta loo ciyaaraa waa inaad lacagta aad ka dhammeyso oo cayr ka dhigto cid kasta oo kula ciyaareysa, in kasta oo ciyaartani macno sidaa u buuran aaney lahayn, hadana waxey xambaarsan tahay aragti siyaasadees oo aaney dadku wada fahamsaneyn.

Waddamada Shiinaha iyo Kuubba, waa laga maamnuucay, maxaa yeelay; hanti goosadka ayey dhiirrigelinaysaa ciyaaratani iyaguna waa dalal Shuuci ah.

Laakiin shaqsigii soo saaray, Lizzie Magie, fikrad taa ka duwan ayuu ka la haa, waxa uu doonayay inuu dadka tuso nidaamka ra’samaaliyadda ee hantigoosadku sida uu u xun yahay iyo naxariis la’aantiisa.

Sanadkii 1904 ayey ahayd markii ugu horreysay ee ay ciyaartani soo baxday, sannooyin ay horumar sameynaysay kadib ciyaartan magaceedu waaxa uu iskugu soo biyo shubtay “Monopoly”, waxaa laga iibiyay shirkadda Parker Brothers oo markii dambe isku bedeshay Hasbro, hadda waa shirkad malaayiin doolar sameysa oo caan ah, ciyaartan intii lasoo hindisay waxaa laga iibiyay 275 milyan oo nuskhadood.

  1. Mishiinka lacagta lagala baaxo ee ATM.

Makiinaddii ugu horreysay waxaa laga soo saartay Enfield, waqooyiga London, sanadkii 1967.

Waxaa soo hindisay, Jon Shepherd Barron, kaas oo u shaqeyn jiray shirkadda De La Rue, oo ahayd shirkad lacagta daabacda.

Aaladdan aayaa waxey u shaqeynaysay in kaar la geliyo oo password la raaciyo kadibna lacagta loo baahan yahay lagala baxo, mishiinkaasi dunida oo dhan ayuu qabsaday waana tan hadda fikradiisa dunida laga isticmaalo.

  1. Gameka El Tetris

Waxaa lagu tiriyaa gameka computerka ee ugu shacbiyadda badan taariikhda.

Markii ugu horreysay waxey soo baxday sanadkii 1984, oo waxaa soo saaray el soviético Alexey Pajitnov., waxa uu u dooray magaca Tetris, waxa uu keenay magaca Latin ka ah ee Tetra (oo macneheedu yahay Afar) iyo tennis oo ahayd ciyaarta uu xiiseeyo.

Ciyaartan markii qaab computer loo qaabeeyay sanadadii ka dambeeyay waxaa la iibiyay 170-milyan oo nuskhadood.

  1. Gar-xiirka

Sannooyin badan ayaa raggu ay sakiinta ku xiiran jireen garkooda, illaa laga soo gaaro sanadkii 1903, xilligaas ayaa gacansade Mareykan ah oo la yiraahdo, King Camp Gillette, uu soo saaray aaladda garxiirka.

Ninkani waxa uu ku taajiray fikraddiisa, labo sanno kadib markii uu shirkaddiisa sameeyay waxa uu iibiyay in ka badan 12-milyan oo garxiir.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here