Wax Ka Ogow Qosyka Faa’iida Saacaddii Kaliya 4-milyan oo Dolar

© Photo / Pixabay/Maklay62

 

Wakaaladda Bloomberg  ee dhaqaalaha ka faaloota ayaa waxey ku tilmaantay qoyska “Waltons” ee leh silsiladda gacansi ee Walmart kana soo jeeda dalka Mareykanka ay yihiin qoyska ugu taajirsan Adduunka.

Sida ay wakaaladdu sheegtay, qoyskan ayaa waxaa soo gala faa’iido gaaraysa 70-kun oo dolar daqiiqaddii, halka ay saacaddii faa’iidaan 4-milyan oo dolar.

Wakaaladdan ayaa caddeysay in hantida qoyska ay ahayd markii hore 39-bilyan oo dolar isla markaana ay gaartay hadda 191-bilyan oo dolar, waa laga soo bilaabo intii lagu qiimeeyay iney yihiin qoyska ugu taajirsan adduunka ee sanadkii 2018.

Wakaaladda ayaa sidoo kale tilmaantay in qoysas kale oo Mareykan ah ay hantidooda si weyn u korortay, sida; qoyska “Mars”, waa qoys ka gacansadan sameynta xalwada oo calamaadda gacansigoodu ay wadato isla magaca qoyska, waxaa hantidooda ku korotay 37-bilyan oo dolar, hadda waxey gaareysaa 127-bilyan oo dolar.

Qoys kale ayaa hantidoodu korortay, markii hore waxey ahayd 26-bilyan oo dolar, hadda waxey gaartay 125-bilyan oo dolar, waana qoyska Cook, waa qoyska iska leh shirkadda Thomas Cook ee Caalamiga ah ee dhanka dalxiiska ka gacansata.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here