Warbixin : Ogow Sababta.. Dagaal Dhaqaale oo Dhanka Lacagta ah Oo Dunida Ku Soo Foolleh (Muuqaal)

 

Dagaalka lacaguhu ma waxa uu noqon doonaa tallaabada xigta ee aan wada sugeynno ee dagaalka gacansi ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha, waa arrinta ay ka baqayaan maalgashadayaasha, kadib markii Shiinuhu uu hoos u dhigay qiimaha lagacta Yuwanka oo gaartay heerkeedii ugu hoosaysay muddo 10-sano ah.

Inta uu bilowday dagaalka gacansi ee Mareykanka iyo Shiinaha ayaa markii ugu horreysay lacagta Yuwanka ay gaartay heerkeedii ugu hooseeyey, waxey gaartay in 7 Yuwan lagu sarrifo hal dolar.

Arrintaas waxey Mareykanku kaga jawaabeen iney Shiinaha ku tilmaan inuu yahay dowlad Lacagta ku ciyaareysa oo qorshe ka damacsan qiima ridka lacagta Yuwanka marka doolarka loo barbardhigo.

Iyadoo tallaabadani aaney ahayn mid macno badan sameyneysa, ayaa hadana waxey sii kordhineysaa khilaafkii gacansi ee u dhaxeeyay labada dhaqaale ee ugu tunka weyn dunida.

Shiinuhu dhinacooda waxey ku andacoonayaan inaaney ku ciyaareyn lacagta qiimaha lacagta oo wax dan qarsoon aaney ka lahayn, Bankiga dhexe ee Shiinaha ayaa sheegay in culeyska dhaqaale ee waddanka saaran iyo lacagaha cashruuta ah ee dheeraadka ah ee la saaray Shiinaha ay keeneen iney hoos u dhacaan qiimaha lacago badan oo caalami ah, arrintaas  oo dhankeeda cadaadis badan saartay Yuwanka,,, laakiin si ka duwan Mareykanka iyo dowlado badan oo kale oo horumarsan, Shiinuhu  waxey awood u leeyihiin xakameynta qiimaha lacagtooda, iyagoo maalin walba isbedel  ku sameeya qiimaha lacagtooda oo kolba heer cusub oo aan sugneyn aad ku arkeyso.

Maalin walba halbeeg cusub ayey u sameeyaan qiimaha lacagta, waxaa dhici karta in qiimaha lacagta uu hoos u dhaco ama uu kordho 2% marka loo eego halkii uu markii hore joogay,,, sidaas oo kale Shiinuhu waxey diideen ine ka qeybgalaan hoos u dhac qiimo tartan ah si loola macaamilo lagdanka dhanka gacsiga ah ee Mareykanka kala dhaxeysa,,, laakiin wadadani waa mid uu Shiinuhu kaga aargoosanayo lacagaha tirada badan ee canshuurta ah ee Trump uu saaray badeecadaha Shiinaha.

Lacagta oo qiimaheeda hoos loo dhigo waxey keenaysa inuu hoos u dhac ku yimaaddo waxyaabihii ay Shiinuhu dibadda u iibgeyn jireen, arrintaasina waxey ka khafiifineysaa oo ay yareynysaa culeyska canshuurta Mareykanka uu saaray,,, waa ra’yiga Madaxweyne Trump uu aaminsan yahay in ulajeedka Shiinaha uu halkaa yahay,,, laakiin falanqeeyaal badani arrintan wey ka shakisan yihiin, maadama uu Shiinuhu balaayiin ku bixiyeen si qiimaha lacagta Yuwanka aanuu si aad ah dhulka u gelin.

Sida bankiga dhexe ee Shiinuhu uu sheegay, kobac yarida lacagta waxa uu keenay in qiimaheedu uu hoos u dhaco iyo weliba qiimaha lacagaha gobolka, sidaa darteed; waxaa macquulka ah inaan tilmaanno in hoos u dhaca lacagta Shiinaha ay keenaysa in lala qabsado qiimaha sare ee lacagta doolarka ee baryihii dambe qiimahoodu kordhiyey.

Laakiin arrinka laga cabsi qabo ayaa ah in dhacdadani ay keento dagaal ganacsi oo ku talogal ah oo dhanka lacagaha la iska weeraro,waxaase is weydiin leh maxaa dhacaya; haddii maamulka Trump uu ku jawaabo inuu hoos u dhigo qiimaha lacagta Doolarka?, waxaa jira farriimo badan oo iska soo horjeeda oo dhanka Madaxweynaha ah oo ku aadan inuu dhaqaalaha u faragelin doono sida Shiinaha iyo in kale.

Haddii aan rabo labo daqiiqadood iguma qaadaneyso inaan sidoo kale sameeyo,,, anigu ma dhihin gacmaha ayaan iska laaban doonaa, arrinta tallaabadan adkeynaysa  ayaa ah in qiima dhimis lagu sameeyo lacagta doolarka ay khatar badan ku hareeraysan tahay.

Arrintu ma ah oo kaliya in awoodda wax iibsi ee dadka Mareykanku ay hoos u dhacayso, ee waxey keenaysaa  dhibaato soo waajahda dhaqaalaha adduunka guud ahaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here