Ingiriiska oo Laga Cabsi Qabo Inuu Waajaho “Cunno Yari” Muddo Bilooyin Ah!


Midowga iskaashatooyinka cunnooyinka iyo cabitaannada soo dhoofiya ee gudaha Ingiriiska ka dhisan ayaa ka digay in Ingiriisku uu waajihi doono cunno yari, gaar ahaan cunnooyinka bisil oo isbuucyo iyo bilooyin gaabis geli doono, waa marka uu Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub iyadoo aan wax heshiis ah la isla gaarin.

Tukaamada “Tesco”  ee tafaariiqda ayaa ka digay in ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub ee la filayo October 31 iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin ay dhibaato ku noqon doonto ganacsato badan oo cunnooyinka bisil soo dhoofiya.

Tim Rycroft, oo ah madaxa howlgallada ee Midawga cunnooyinka iyo cabitaannada ayaa Reuters  u sheegay: “Ma gaajoon doonno, laakiin cunno yari(Cunnada bisil) ayaa dhacaysa iyo qaar ka mid ah waxyaabaha raashinka lagu darsado oo iyaguna yaraanaya.”

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Cunnooyinka qaar wey xumaan karaan.. waxaan fileynaa in cunnooyinka qaar ay yaraan doonaan isbuucyo iyo xitaa bilooyin, kadib marka midowga Yurub laga baxo iyadoo  aan wax heshiis ah la gaarin.”

Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa uga digay Midowga Yurub dhowr jeer in waddankiisa uu ku hoggaamin doono iney Midowga Iskaga baxaan October 31, heshiis la’aan, haddii la isku afgaran waayo oo la isla meel dhigi waayo heshiis cusub oo Brexit-ka ku saabsan .

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here