Ma Dooneysaa Inaad Yurub u Haajirto? Portugal Ayaa Kuu Baahan

 

Si ka duwan sida uu xaalku yahay dowladaha Yurub, dalka Portugal ayaa doonaya in muwaadiniintiisa ka guuray uu ku bedesho kuwo kale oo ajinabi ah, si loo buuxiyo gaabka ka jira suuqa shaqada dalkaasi.

Warbixin ay faafisay wakaaladda Bloomberg ee dhaqaalaha, ayaa lagu caddeeyay in dadka Portuguese-ka ah uu tarankooda hoos u dhacay, halka dhex dhexaadka cimiriga uu kordhay dadka dalkaasina ay sii duqoobayaan, arrimahaas oo isbiirsaday ayaa ka dhigaya in dalkaasi looga baahan yahay shaqaale ajinabi ah oo muruqmaal ah.

Professor cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Nova ee dalka Portugal oo la yiraahdo, George Bravo, ayaa waxa uu yiri: “Arrintu ma khuseyso in la ogaalanayo muhaajiriin oo dhan, waxaa halka la tixgelin doonaa kuwa ku habboon ee buuxinka gaabka shaqo ee Portugal looga baahan yahay.”

Bravo waxa uu tilmaamay inaan Portugal laga helayn mushaar qiimihiisu sarreeyo sida dalalka kale ee Yurub, laakiin muhaajiriinta la soo dhaweyn doono maadama loo baahan yahay.

Goobaha shaqaalaha ugu badan looga baahan yahay waa dhanka dalxiiska iyo margelinta, waa sida uu sheegay maamulaha fulinta ee kooxda Pestana Hotel Group oo hoos yimaaddaan hotellada ugu badan ee ka dhisan gudaha Portugal.

Sababaha ugu badan ee keenaya in Portuguese-ka uu dalbado shaqaale ajinabi ah, waa in heerka aqoonta dadka dalkaasi ay aad u sarreyso, arrinaas oo keenaysa in shaqooyinka muruqmaalka ah looga baahdo dalkaas, arrintaas oo dhigan in loo baahan yahay shaqaale ajinabi ah oo xirfadlayaal ah.

Waxaa xusid mudan, in Portugal uu noqday sannooyinkii dambe meel hoy u noqota oo soo jiidata dad badan oo tanaad ah, sida heesaaga reer Mareykan ee Madonna  iyo gabadha kale ee reer Taliyaani ee Monica Bellucci.   

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here