Warbixin: Mashaariic Waaweyn oo Mug iyo Miisaan Leh oo Ka Socda “Qaaradda Afrika” Lana Filayo Iney Wax Ka Bedelaan Wejigii Qaaradda Lagu Yaqaannay

Afrika waxey isku bedeshay meel soo jiidata maalgashiga ajinabiga ee dibadda, sannooyinkii dambe, kadib markii dowladaha Afrika qaarkood ay gaareen koboc dhaqaale oo aad u heer sarreeya oo aan horey loo arki jirin, laakiin horumarkan waxaa ku gudban caqabado siyaasadeed iyo kuwo amin.

Sida laga helayo data-da bankiga horumarinta Afrika, dadka qaaradda ku nool waxey u baahan yihiin maalgashi aan ka yareyn 130-bilyan oo dolar sanadkii, si loo haqabtiro baahiyaha waaweyn ee adeegyada iyo dhismayaasha dowladda eel agama maarmaanka ah.

Dowladaha Afrika waxey maalgashigaa xooggaa leh ugu baahan yihiin si ay ula dagaallamaan faqriga una abuuraan 12-milayan oo shaqo sanadkii, laakiin maalgashigii qaaradda ku soo qulqulayay laga soo bilaabo 2016,  ma aanuu buuxin kala bar baahiyihii taagnaa ee Qaaradda.

1-Caasimadda Kongada Dimuqraadiga ah ee ee (Kinshasa) dhawaanshiyaha ay u dhaw dahay caasimaadda Jamhuuriyadda Kongo (Brazzaville), mashruuca isku xirka labada magaalo waxa uu dhalin doonaa horumar weyn waa sida ay sheegayaan khubarada saadaalinta dhaqaalaha.

Labadan magaalo ayaa ah labada caasimaadood ee dunida iskugu dhow, waxey isku jiraan 5 kiiloomitir oo webi uu u dhaxeeyo, webigaase caqabad kuma noqon doono mashruuca maadama la dul dhisayo buundo webiga labadiisa dhinac looga tallaabayo.

Mashruucan ayaa waxa uu bilaabanayaa 2020, iyadoo lacagta ku baxeysaa ay gaareyso 550-milyan oo dolar, kala bar lacagtaasi waxaa maalgelinaya bankiga horumarinta ee Qaaradda Afrika.

2 -Haddaan eegno mashruuca labaad, waa waddo xawaare lagu maro oo isku xiraysa caasimaadda Aljeeriya iyo magaalada Lagos ee dalka Neyjeeriya, wadadan ayaa waxey sii dhex mareysa tiro ka mid ah dowladaha Afrika ee kale ee ku yaalla Koonfurta Saxaraha Weyn ee Qaaradda.

Dhirirka shabakaddan waddooyinka ah ayaa waxa uu ka sii badan yahay 9-kun oo Kiiloomitir, waxa uu sii dhex marayaa lix dowladood, iyadoo kharashaadka ku baxayaana uu gaarayo 5-bilyan oo dolar.

Mashruucan ayaa bilowgiisii hore hirgelintiisa waxaa lagu dhawaaqay 1970-kii, shaqooyinka ugu badan waxaa laga qabatay dhanka dowladaha Tunisia, Aljeeria iyo Nayjeeriya, laakiin mashruucu wuu dib dhacay daganaanshiyo la’aan ka jirtay gobolka koonfurta saxaraha iyo khatarta argagaxisada ee ku sii kordheysay gudaha Mali.

3- Mashruuca Saddexaad ee Weyn, waa mid shirkadda Facebook ay waddo oo ay dooneyso iney Kaybal soo dhigto badda qaaradda, si hoos loogu dhigo kharaashaadka xooggan ee internetka ee ay isticmaalaan dad ku dhow 1.2-bilyan oo qof oo Qaaradda ku dhaqan, shirkadda waxey uga golleedahay mashruucan  iney la wadaagto shirkado maxalli ah ee ka shaqeeya isgaarsiinta.

4- Sidaas oo kale mashraaciida waaweyn ee isbedelka qaaradda wax weyn ka tarayaa waxaa ka mid ah biyo xireenka  “Alnahda “ ee dalka Itoobiya laga bilaabay sanadkii 2011, dhul ballaaranna loo xeeray, mashruucan ayaa badka uu ku fadhiyo uu gaarayaa 1800 oo Kiiloomitir oo isku-weer ah.

Mashruucan oo ku kacaya lacag gaaraysa 4-bilyan oo dolar, ayaa waxaa soo waajahay dib u dhacyo farabadan iyo dhilaallo, halka xilliga uu dhammeystirmayo aan illaa iyo  hadda la ogeyn oo lagu kala aragti duwan yahay.

5- Haddaan fiirinno dhanka mashruuca dhismaha ee ugu baaxadda weyn waa mid dowladda Morocco ay ku dooneyso iney ku dhisato dhismaha ugu dheer Qaaradda Afrika, waxey doonaysaa iney dhisato dabaq dhirirkiisu yahay 250-mitir, waana guri loo dhisayo bankiga Ganacsiga ee Morocco, iyadoo lacagta ku baxeysaa ay gaareyso 305-milyan oo doolar.

Afrika waxey u baahan tahay doonis siyaasadeed

Khabiirka dhaqaalaha ee dalka Masar Rashaad Cabdow, ayaa waxa uu arkaa in dowladaha Afrika ay haystaan ilo dhaqaale oo ku filan oo ay horumar ku sameyn karaan laakiin in  horumar la sameeyo ay u baahan tahay in la helo doonis siyaasadeed oo dhab ah.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Angola, waxa uu yiri, waa dowlad haysata ilo dhaaqaale oo mug iyo miisaanba leh, tirada dadkeedun ma badna,  laakiin dhaqaalaha ku dayashada mudan ee qaaraddu waa Ruwanda, oo goordhow un ka soo baxday dagaallo sokeeye, waxey noqotay mid ka mid ah dhaqaalaha adduunka  ugu kobaca badan, waxeyn sidoo kale horumar ka sameysay waxbarashada iyo cilmibaarista oo maanta dunida lagu tartamo.

Si kastaba, Qaaradda Afrika dadkeedu aad ayuu u kobcayaa, arrinaasina waa cudud abuuraysa suuq wax lagu iibsan karo, laakiin dhanka kale caqabadaheeda ayey wadataa oo waxaa dhaceysa iney dadku aad ugu baahi qabaan dhismaha iyo adeegyada dowladda si aad isku soo tareysa.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here