In Badan oo Ka Mid Ah Dadka Milyaneerada Ah oo Aan Aaminsaneyn Iney “Tanaad“ Yihiin!

 

Waxey u muuqataa in mas’alada hantida ay tahay mid nisbi ah oo lagu kala aragti duwan yahay, qofku inuu haysto malaayiin kama dhignay inuu taajir kala cadaaday yahay, waa sida ay dad badan aamisan yihiin, laakiin waxa uu taajir u yahay dadka dabaqadda dhexe iyo kuwa faqiirka ah.

Daraasad cusub oo dhawaan la faafiyey ayaa lagu ogaaday in dadka milyaneir ah in badan oo ayna aaminsaneyn iney taajiriin yihiin, 13% ka mid ah ayaa aaminsan iney yihiin dad taajiriin ah, waa sida uu sheegay website-ka “Business Insider”.

Sida daraasaddan laga ogaaday inta badan dadka Mareykanka ah ee maalqabeenka ah oo ay da’doodu u dhaxeyso 30 illaa 69, ay aaminsan yihiin inaaney taajiriin ahayn.

Sida daraasaddani ay sheegayso dadkii daraasadda ka qeybgalay oo gaarya illaa 3000(saddex kun oo qof), ayaa  la ogaaday in 60% ay sheegeen iney ka yar sarreeyaan dabaqadda dhexe, iyadoo dadkaa ay ku jireen 700-milyaneir oo aaminsan iney dabaqadda dhexe ka sare mareen oo kaliya, laakiin aaney ahayn tanaad kala caddaaday.

Markii la weydiiyey xaaladooda dhaqaale waxa ay ku tilmaami lahaayeen 13% ayaa waxey yiraahdeed waxaan nahay taajiriiin, halka 25% ay sheegeen iney ka tirsan yihiin dabaqadda dhexe, halka in ka badn 3% ay yiraahdeen waxaan ka tirsan nahay dabaqadda faqiirka ah ama dabaqadda dhexe ay ka yara hooseeyaan.

Daraasaddan ayaa waxa ay tilmaantay in inta badan dadkii wareysiga lala yeeshay ay sheegeen in hantidooda guud ee la maalgashan karo ay ka badan tahay 1-milyan oo dolar.

Daraasad kale oo madax banana oo uu soo bandhigay websiteka Insider ayaa sheegaty in dadka qaarkood oo dakhiligoodu ka hooseeyo 50-kun ay aaminsan yihiin iney taajiriin yihiin,halka kuwo kale oo dakhliga soo galaa uu ka sareeyo 100-kun ay aaminsan yihiin inaaney tanaad ahayn, oo ay ka tirsan yihiin dabaqadda dhexe oo qura.

  Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here