IMF: Dhaqaalaha Soomaaliya Ma Jiri-doono Kobac, Xasan Sh. Ayaa Ka Dhaqaale Fiicnaa Farmaajo

Hay’adda Lacagta adduunka (IMF) ayaa todobaadkan waxa ay sheegtay in kobaca dhaqaalaha iyo waxsoosaarka Soomaaliya aanu isbedelayn sanadkan, oo uu ahaan-doono 2.9  boqolkiiba, waase haddii ay da’aan roobabka la filayo dhammaadka sanadkan.

“Inkasta oo uu koror jiro, maaliyadda ay soo fiicnaaneyso, laakiin dekhliga qofka soo galo waa mid hooseeya, waana in la helo ilo lagu xoojin karo dhaqaalaha, laguna dhimayo faqriga” sidaasi waxa lagu sheegay qoraalka IMF-ta ka soo baxay.

Meelaha uu ka jiro dhaq-dhaqaaqa fiican ee xagga dhaqaalaha waxaa ay hay’adda ku sheegtay isgaarsiinta, ganacsiga, dhismaha iyo hey’adaha maaliyadda.

Bankiga adduunka waxaa uu sanadkii hore sheegay GDP ama kobaca dhaqaalaha iyo waxsoosaarka Soomaaliya uu kobac ahaan gaaray ilaa 2.8 boqolkiiba.

Dhanka kale sicirbararka sanadkan 2019-ka waxaa uu gaari-doonaa 3 boqolkiiba halka 2018-ka uu ahaa 3.2 boqolkii.

Labadii sano ee ay jirtay xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaa ay qiyaasta aheyd 2017(2.3) iyo 2018(3.1), waxaa xusid mudan in uu madaxweyne Farmaajo la wareegay talada dalka iyada oo GDP  Soomaaliya uu yahay 4.4 boqolii.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here