“Alphabet” oo Ka Sare Martay Apple… Waxey Noqotay Shirkadda Ugu Kaashka Badan Adduunka

 

Shirkadda “Alphabet” ee uu hoostago Google, ayaa noqoto shirkadda ugu Qanisan Adduunka, waxaa u suurtagashay iney ka sare marto shirkadda Apple, waxeyn ku fariisatay liiska halka ugu sarreysa shirkadda ugu taajirsan adduunka, waa sida uu Khamiistii sheegay wargeyska Financial Times.

Jariidada ayaa sheegtay in marka la eego saddexdii bilood ee ugu dambeysay ee sanadkan in kaashka shirkadda Alphabet uu gaaray 117-bilyan oo dolar, waa keydka lacagta ee shirkadda u yaall, marka loo barbardhigo 102-bilyan oo dolar oo ah lacaga keydka ah ee  shirkadda Apple Bankiyada u yaall.

Laga soo bilaabo sanadkii 2017, waxaa hoos u dhacay kaydka lacageed ee shirkadda Apple, ee sameysa mobileka iPhone, waxa uu gaaray 61-biyan oo dolar, xilli uu markii hore ahaa 163-bilyan oo dolar.

Isla xilligaas, waxaa sare u kacay qiimaha keydka lacagta Kaashka ah ee yaalla shirkadda Alphabet oo ay ku korortay qiimo gaarsiisan 20-bilyan oo dolar.

https://twitter.com/verge/status/1156851363307016192

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here