“Max 737” oo “Beoing” Soo Gaarsiisay Khasaarihii Ugu Badnaa Abid ee Shirkadda Soo Gaara

Shirkadda Boeing, ayaa Arbacadii la soo dhaafay ku dhawaaqday inuu khasaaraheedu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay, waxey khasaartay 3 bilyan oo dolar, iyadoo ay jirto in shirkaddu ay la dhibaatooneyso  shaqo joojin ay ku jirto diyaaradeeda ugu iibsiga fiicneyd ee Max 737.

Shirkaddan oo ah tan ugu baaxaddeyn dunida ee dhanka diyaarad sameynta ayaa daahrogtay in dib u dhaca cusbooneysiinta diyaaradda 777X, ay mashaakil kala kulantay dhanka matoorka, iyadoo la filayo iney diyaaraddan duusho 2020, waxaana laga cabsi qabo in dib u dhac kale uu ku yimaaddo.

Maamulaha fulinta shirkadda Dennis Muilenburg ayaa sheegay in shirkaddu ay hadda darsayso in hoos loo dhigo sameynta diyaaradda Max 737.

Kharashadaadka ku baxay Max 737 waxey kor u dhaafeen 8-bilyan oo dolar, kadib markii ay shirkadda Beoing ay ku dhawaaqday isbuucii hore in ay bixin doonto magdhow gaaraya 4.9-bilyan oo dolar oo lagu bixinayo magdhow dib u dhac ku yimid diyaaradihii la iibsaday ee ka dib dhacay waqtigooda.

Khasaaraha saafiga ah ee Boeing soo gaaray muddo saddex bilood ah waxa uu gaaray 2.94-bilyan oo dolar,  marka loo barbardhigo faa’iido ay shirkaddu soo sartay 2.20-bilyan oo dolar sanad ka hore.

Halka hoos u dhac 35% uu ku yimid iibinta shirkadda oo gaaray 15.75-bilyan oo dolar, halka markii hore la filayay inuu iibsigu gaaro 18.55 bilyan oo dolar.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here