Mareykanka oo Kor u Qaaday Qiimaha Maalgeshi ee Lagama Maarmaanka Ah Si Aad u Hesho “Green Card”

 

Xukuumadda Mareykanka ayaa go’aansatay in kor loo qaado lacagta maalgeshiga ay waajibka tahay inaad heysato marka aad doonayso inaad Mareykanka degaanshiyo joogta ah ka hesho (Green Card).

Qaanuunkan cusub oo ayaa waxaa faafisay wasaaradda arrimaha gudaha  sida uu dhigayo sharcigani, waxaa laba jibaarmaya halka ugu hooseysay ee lagu heli karaha visa-ha “EB-5”, waxaana la gaarsiiyay 500-kun oo dolar illaa 900 kun oo dolar, halka ay ka digeen qolooyinka dhismayaasha maalgashada oo tilmaamay in arrintani ay keeni karto iney istaagaan lacagii faraha badnaa ee ku soo qulqulayay gudaha Mareykanka, arrintaas oo gaabis u keeni karta dhaqaalaha.

Barnaamijka  EB-5 waxaa la aasaasay sanadkii 1990 si loo dhiirrigeliyo maalgashiga oo xilligaa dhibaato ay ka jirtay, laakiin dadka waxey si fiican u fahmeen sanadkii 2008, xilligaas oo dhibaatooyin dhaqaale ay ka jireen suuqda Mareykanka.

Haddaan eegno wadada uu barnaamijka “EB-5” u shaqeeyo, Mareykanka ayaa si gaar ah u xulanaya goobta iyo mashaariicda diyaarsan, maalgashiga inta ugu badan waxaa xoogga lagu saarayaa magaalooyinka sida dhekhsiyaha ah u koraya, halka maalgeshiga qaar loo leexin doono meelaha miyiga ah ee faqrigu ku badan yahay. Qaanuunkan cusub ayaa waxaa codsiga visaha Green card-ka la wareegay wasaaradda aminiga oo qofka soo codsadanaya halka maalgashiga u baahan u jihaynaya.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegtay iney jiraan codsiyo aad u tiro badan oo soo gaaraya goobaha maalgashiga u baahan, haddii dadka doonaya iney Mareykanka dagaan ay diyaar u yihiin iney bixiyaan lacago farabadan oo ay ku qaataan “Green Card”, arrintaas oo ka dhigan in barnaamijku uu dhalinayo lacago farabadan oo maalgashi ah.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here