10 Qof ee Caanka Ah ee Ugu Mushaarka Badan Adduunka 2019

 

Shaki la’aan ah oo aan ognahay in dadka caanka ah ee dunida ku dhaqan ay ku nool  yihiin nolol ladanaantu ku badan tahay xilliyada qaar aadan maleysan karin, xilligan aan joogno baraha bulshada ayaa waxwalba sahla oo faahfaahinta noloshooda si sahlan looga heli karaa oo cid walba oo daneynaysaa ay kaga bogan kartaa.

Safar joogto ah.. dhafar badan.. xaflado aan kala go’ lahayn, arrimahaas oo dhan waxaa ku baxa lacago aad u farabadan, hadaba; sidey ugu suurtagashaa in nolol sidaa u kharash badan ay ku noolaadaan.

Marka aad fiirsio faa’iidada qolooyinkan caanka ah soo gasha, jawaabtu iyadaa kuu kala caddaaneysa, dakhliga soo galaa boqolaal doolar maaha ee boqolaal milyan oo dolar ayaa sanadkii u soo xaroota , maxaa u diidaya markaa iney ku noolaadaan nolol barwaaqo ah oo waxwalba oo ay doonayaan ay garab yaallaan.

Joornaalka Forbes ee dhaqaalaha ka hadla ayaa dhawaan daabacay liiska dadka caanka ah ee ugu mushaarka badan adduunka, gabadha heesaaga ah ee reer Mareykan ee la yiraahdo Taylor Swift oo 29 jir ah ayaa ku jirta kaalinta koowaad liiska, waxey qaadataa sandkii 185-milyan oo dolar. Waxaa ku soo xigta badha ka howlgasha Talefishinka Reality TV ee Kylie Jenner oo 21 jir ah, waxey qaadataa oo mushaarkeedu u yahay 170-milyan oo dolar.

Hadaba waakan liiska 10 qof ee ugu mushaarka badan Adduunka 2019, waa sida uu qoray joornaalka Forbes

  1. Taylor Soft: $ 185 million.
  1. Kylie Jenner: $170 million dollars.
  1. Canier West: $150 million dollars.
  1. Lionel Messi: $ 127 million.
  1. Ed Sheeran: $ 110 million.
  1. Cristiano Ronaldo: $ 109 million.
  1. Neymar: $105 million dollars.
  1. The Eagles: 100 million dollars.
  1. Dr. Phil McGraw: 95 million dollars.
  1. Canillo Alvarez: $ 94 million.

 

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here