Sicirka Naaftada oo Sare u Kacay Kadib Markii Ay Iran Qabsatay Markab Naafto oo Dalka Ingiriiska Laga Leeyahay

 

Sicirka Naaftada ayaa Isniintii shalay laga dareemay xoogaa sare u kac ah, kadib markii ay cirka isku sii shareereen xiisaddii u dhaxeysay Iran iyo dalal reer galbeed ah oo Mareykanku ugu horreyo, ciidamada ilaaladda Jamhuuriga ayaa waxey qabsadeen  marka naafto oo Ingiriiska laga leeyahay oo marayay marin badeedka Hurmus.

Sicirka heshiisyada naaftada ee tilmaamaha caalamiga ah Raw Brent , ayaa waxa uu kor u kacay 2%, sicirka halkii foosto ee naftada ah waxa uu gaaray 64.02-dolar, halka sicirka naaftada ee gudaha Mareykanka kor u kac la mid ah laga dareemayay, halkii fuusto sicirka lagu kala iibsado waxa uu gaaray 56.83-dolar.

Ingiriiska ayaa ka digay iney tallaabo adag ka qaadi doonaan Iran haddii aan loosoo dayn markabkooda xamuulka ah ee shidaalka qaada, halka guddiga xaaladaha degdegga ee dalkaasi ay fariisteen Isniinta si ay u fiiriyaan tallaabooyinka ku habboon ee laga qaadi karo Iran.

Dhacdadan ay Iran ku qabsatay markabaka Britain ee “Stena Bulk” laga leeyahay ayaa waxey daba soctaa markab ay Iran lahayd “Grace 1” oo lagu qabsaday July 4  Gibraltar(Jabal al-Tariq) , iyadoo xukuumadda halkaa ka jirta ay ku dhawaaqday iney waqti 30 maalmood ah ku dartay mudadii ay markabkaa xayirteen.

Waxaa xusid mudan in mashaakilka ku aaddan marin badeedka Hurmus oo bilihii dambe aad u sii kordhayay,  marinkan oo ballaciisu yahay 33-kiilomitir oo qura, ayaa waddo marin ah u ah naaftada khalaiijka ee dunida loo iibgeeyo.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here