Xildhibaanno Ka Tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo XFS Ku Eedeeyay Iney “Cunaqabteyn Dhaqaale” Ku Hayso Somaliland

 

Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana kasoo jeeda Somaliland ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay iney Cunaqabateyn dhaqaale ay saartay Somaliland.

Xildhibaannadan oo Jimcihii, July 19, 2019 shir jaraa’id ku qabtay gudaha Muqdisho, ayaa waxey sheegeen in xukuumadda Kheyrre ay isku dayeeso iney cunaqabateyn saarto Somaliland, islamarkaana marar badan isku dayday in si awood ku maquuniso Somaliland.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciiseoo ka mid ahaa xildhibaannada shirkaa jaraa’di qeybta ka ahaa ayaa yiri:  “Cunaqabateynta dhaqaale waxey bilaabay maalintii ay Wasaaradda Qorsheyntu ay qortay in dib looga noqdo heshiiskii is afgaradka ee ahaa New Deal, ee heshiisyadii lagu soo galay Djibouti ee madaxweynaha Jabuuti uu markhaatiga ka ahaa, ee ahaan inaan la siyaasadeyn arrimaha adeegga bulshada iyo gacansiga umadda Soomaaliyeed wixii dhibaato u keenaya gacansiga Soomaaliyeed wixii dhibaato u keenaya Somaliland, warqaddaa uu wasiirku qoray ee ahayd in dib looga noqdo habkii loola dhaqmayay Somaliland, tallaabada laga dheefayna waa arrintii maalin dhawayd dhacday.”, ayuu yiri xildhibaanku mar uu ka hadlayay markabkii xoolaha siday ee Sucuudiga ku xayirnaa dhowr iyo tobonka cisho.

Si kastaba, xukuumadihii ka horreeyay xukuumadda Xasan Cali Kheyrre, waxey si daggan ula dhaqmi jireen Somaliland, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha samafalka, ganacsiga iyo horumarinta.

Goobjoog Edu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here