Sidee Buu u Saameeyay Kobaca Dhaqaalaha “Beijing” Dagaalka Ganacsi ee Kala Dhaxeeya Washington?

 

Kobaca dhaqaalaha Shiinaha ayaa xilligan waxaa laga dareemayaan hoos u dhicii ugu hooseeyey muddo 30-sano ah, waxaana saameyn ku yeelatay dagaalka gacansiga ee kala dhaxeeya Mareykanka oo ah dhaqaalaha koowaad ee Adduunka.

Waxsoosaarka Guud ee Shiinaha waxa uu kobcay 6.2% saddexdii bilood ee labaad ee sanadka, halka saddexdii bilood ee ka horreysay uu ahaa 6.4%, waana kobocii ugu yaraa laga soo bilaabo 1992, waa sida ay muujinayaan tirakoobyadii ka soo baxay xukuumadda Shiinha Isniintii.

Xafiiska dowaladda ee Tirakoobkoobyada, ayaa sheegay in dhaqaalaha Shiinaha uu hoos u dhaciisa sii socon doonto bilaha ka harsan sanadka, waxeyna tilmaameen in dhaqaalaha Shiinihu uu ku jiro xaalad adag oo khatar badan, iyadoo ay jirto hoos u dhac dhanka kobaca ah, maalgeshigii dibaddana uu shaki badan galayo.

Iyadoo ay jirto Beijing iyo Washington ay dhawaan gaareen heshiis ku meel gaar ah oo dagaalkii dhaqaalaha lagu yara hakinayo, ayaa hadana dagaalka uu muddo bilooyin ah ka dhex socday labada waddan, iyadoo khubarada falanqeysa dhaqaalaha ay shaki badan ka muujinayaan suurtaggalnimada in labada waddan ay dhawaan gaari karaan heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjarayo dagaalka gacansi ee labada dowladood u dhaxeeya.

Sidaas oo kale, falanqeeyaashu waxey filayaan in Shiinuhu ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku dhiirrigelinayaan dhaqaalaha, iyadoo la filayo in sicirka faa’iidada Bankiga dhexe ee hoos loo dhigi doono.

Goobjoog Business  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here