Yaa Kala Wareegay “Bill Gates” Kaalinta 2aad ee Liiska Kala Sarreynta Maalqabeennada Adduunka?

Waxey u muuqataa in Bill Gates aanuu hadda ahayn ninka labaad ee ugu taajirsan adduunka, waxaa kala wareegay oo hadda booskaa soo dagay billionaire-ka reer France ee la yiraahdo ee Bernard Arnault.

Arnault oo ah aasaasaha shirkadda “LVMH” , ayaa Talaadadii ka sare maray Gates, tilmaamaha Bloomberg ee liiska kala sarreynta billionaire-rada dunida, waana markii ugu horreysay ee Gates uu ka dhaco kaalmaha sare ee tilmaamahan oo soo bilowday 7-sano ka hor.

Sida tilmaamahani uu sheegayo, hantida Arnault waxey gaartay 108-billion oo dolar, sanadkii lasoo dhaafay waxaa hantidiisa ku soo korortay 39 billion oo dolar, halka hantida Gates, aasasaha Microsoft ay tahay 107-billion oo dolar.

Sida ay Bloomberg sheegtay, Gates waxaa u suurtagal ahayd inuu liiska halka ugu sarreysa uu kaga sii nagaado, haddii ayna jiri lahayn tabarucaaddiisa lacagaha tirada badan uu ku taageeray hay’ad samafal ah oo qoyskiisa hoos tiramaadda oo uu ku taageeray 35-billion oo dolar, ururkaas oo la yiraahdo Bill & Melinda Gates Foundation.

Waxaa xusid mudan,  in Arnault  oo 70 jir ah uu canawiinta saaxafadda qabsaday sanadkii hore, kadib markii uu ku dhawaaqay inuu 200 oo milyan oo Euro ugu tabarucay dhsimaha Cathédrale Notre-Dame ee gudaha Paris, kadib markii ay gubatay.

Liiska kala sarreynta kaalinta koowaad weli waxaa fadhiya  Jeff Bezos, maamulaha fulinta shirkadda Amazon, oo hantidiisu ay gaareyso 125-billion oo dolar.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here