12 Jeer Ayuu Ka Qaalisan Yahay Caanaha Lo’da.. Cudurka Sonkorowgana Waa Lagu Dabiibaa… Caanaha “Geela” oo Suuqyada Adduunka Qabsaday

 

Aadanuhu caanaha geela waxa uu isticmaalayey laga soo bilaabo 6000 oo sano ka hor, sannooyinkii dambese waxaa aad u sii xoogaysanayay isticmaalka adduunka ee caanaha, iyadoo ay jirto in sicirkiisa uu adduunka aad ugu sarreeyo marka loo eego lo’da oo 12-jeer uu ka qaalisan yahay.

Halkii litir caanaha geela waxaa la kala siistaa 15 dolarka Australia ah gudaha Australia, waa lacag u dhiganta $10(Tobon dolar), waa ariinta ka dhigeysa inuu caanaha lo’da ka qaalisan yahay 12-jeer, marka loo eego suuqyada caalamka.

Australia ayaa la aaminsan yahay iney ugu horreyso dowladaha caanaha noocan oo kale ah soo saara ee dunida u iibgeeya, geela Australia waxaa lagu beeray Afartameeyadii Qarnigii hore, waxaana uu hadda ku dhaqan yahay goobo ballaaran oo dalkaasi ka mid ah.

Warshaddii ugu horreysay ee soo saarta caanaha geela gudaha Australia waxaa laga furay 2014, sanadkii 2016 waxaa gudaha Australia laga soo saartay 50-kun oo litir oo caanaha geela ah.

Daraasaadka la sameeyay waxey shegeen in ay yihiin caanaha ugu dhow kan naaska hooyada uguna habboon in ubadka lagu koriyo,

Si kastaba, Waxaa muhiim ah inaan fiiro gaar ah u yeellanno caanaha geela oo waddankeenna uu ku qani ku yahay, gacansatadeenuna ay maalgashato si ay dibadda ugu dhoofiyaan.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here