Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee “Baradhada”.. Wax Ka Ogow 6 Macluumaad ee Ugu Muhiimsan

 

Dunida waxaa looga dabaaldagay maalinta caalamiga ah ee Baradhada oo dowladaha qaar ay u dabaaldagaan marka la gaaro July 13, sidaa darteed; waxaan maanta idiin soo gudbineynaa 6 macluumaad ee ugu muhiimsan ee baradhada.

1- Markii ugu horreysay waxaa lagu beeray buuraha Andes ee Latin America laga soo bilaabo 8000-sano ka hor.

2-  Yurub waxaa gaarsiiyay Spanish-ka oo qarnigii 16-aad geeyay, markaa wixii ka dambeeyay ayey dunida oo dhan ku faaftay.

3- Adduunku sanadkii waxey soo saaraan 400 oo milyan oo tan oo baradho ah.

4- Shiinuhu waa dalka ugu wey ee Baradhada soo saara, Holland waa dagalka Ugu badan ee dibadda u dhoofiya uguna isticmaalka badan dunida.

5- Masar ayaa ah dalka ugu badan ee soo saara baradhaada dhanka Afrika, waxsoosaarka sanad laha ah waa 5 milyan oo tan.

6- Dalka Itoobiya oo laga soo dhoofiyo baradhada aan isticmaalno waa kan 45aad, marka la eego dhanka waxsoosaarka baradhada, sanadkii waxa uu soo saara 921,403 oo tan.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here