Dhiiranaantaa Ugu Muhiimsan.. 5 Talo oo Ku Aaddan Sida Ugu Wanaagsan ee Loo Qoro “Farriin Isbandhig” Marka Aad Shaqo Doon Tahay  

Caado ahaan in si degdeg ah shaqo loo helo qalinjabinta kadib waa arrin adag, sidaa darteed; waxaa lagula talinayaa qalinjabiyeyaasha cusub iney u diyaar garoobaan suuqa shaqada iyo nolosha shaqada qalinjabinta ka hor, arrintani aad ayey u adag tahay, gaar ahaan marka aaney jaamacaduhu si wanaagsan u diyaarin ardaydooda uguna taageerin suuqa shaqada sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen.

Farriintaada aad isku bandhigayso xilliga codsiyada shaqada, ogow C.V wey ka duwan tahay.

Si ay kuugu suurtagasho inaad ku qanciso maamulaha shaqada una noqoto murashaxa ugu habboon shaqo siinta, waxaa muhiim ah inaad C.V-ga sii raaciso warqad gaar ah oo isbarasho iyo isbandhig ah, farriintani waxey kaalin muhiim ah ka ciyaareysa inaad dadka kale ee shaqada doonaya aad ka duwanaato, gaar ahaan marka farriintaadu u qoran tahay qaab xirfadaysan.

Hadaba, waxaan idiin haynnaa 5 talo oo muhiim ah qaabka loo qoro farriinta isbandhigeed ee aad qorayso.

  • Ku bilow marka hore aqoonsiga naftaada, magacaaga, halka lagaala soo xiriir karo iyo xaafadda aad daggan tahay oo aad ku qorayso halka ugu sarreeya ee C.V-ga.

Qoraalkaaga sii wado oo ka hadala shaqadani qiimaha ay kuugu fadhido, sii akhri shaqada la doonayo codsigeedu waxa uu yahay iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah ee looga baahan yahay codsadaha, isku day inaad soo jiidato shaqo bixiyeyaasha adigoo ka jaanqaadaya, nooca shaqada loo baahan yahay.

  • Haddii aad tahay qof dhawaan qalinjabiyay, waxaad ka hadli kartaa mashaariicdii aad ka qabatay gudaha jaamacadda ee xiriirka la lahaa shaqada aad codsaneyso ama koorsooyinkii aad qaadatay.
  • Farriinta aad soo qorayso ha noqoto mid ku kooban shirkadda aad shaqada ka codsaneyso iyo shaqada aad dooneyso inaad ku guuleysato.
  • Qeyb ka mid ah qoraalka xoogga ku saar qiimaha aad shirkadda ku soo kordhin karto marka aad ku soo biirto, iyo sida aad ugu hamuun qabto inaad hadafkaaga gaarto.
  • Noqo qof aan marnaba baqan si kalsooni iyo geesinimo ku jirto naftaada u bandhig, waxwalba caddee oo daacadnimadaada muuji, si aad u bandhigto shaqsiyadaada cajiibka ah iyo fariidnimadaada.

 

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here