Shirkadda Boeing oo 100-milyan oo Dolar oo Magdhow ah Siinaysa Qoyaskii Ay Dadkoodu Ku Waxyeelloobay Burburka Labadii Diyaaradood ee 737 Max

 

Shirkadda Boeing ayaa waxey ku dhawaaqday iney bixineyso 100-milayn oo dolar, si loogu caawiyo qoysaskii ku waxyeelloobay ee ay dadku kaga dhinteen burburkii labada diyaaradood ee nooca 737 Max.

Shirkaddu waxey sheegay in lacagta gacanta loo gelin doono ururro maxalli ah oo aan faa’iido doon ahayn iyo waxgaradka bulshada si lacagta loogu qeybiyo qaraabada 346 qof oo ku dhintay labada shil, waa sida ay sheegtay shirkadda Boeing.

Lacagtan waxaa loo adeegsadan doonaa kaalmo dhanka waxbarashada ah, waxaa soo hoosgalaya oo lagu bixinayaa fiiga jaamacadaha iyo kharashaadka kale ee waxbarasho ee caruurta dadkii ku wax yeelloobay shilalkaasi, sidaas oo kale, waxaa loo adeegsadanaa masaariifta qoysaska dan yarta ah ee ay dhibaatadu soo gaartay.

Qareen Bob Califford, oo wakiilka ah tobonaan qof oo ku waxyeelloobay shirkaddii diyaaradda Boeing 737 Max oo ee Marso 2019 ku burburtay gudaha Itoobiya oo dacwad ku furay shirkadda ayaa sheegay “In bandhiggan ay shirkaddu uu yahay mid xilli hore ah, weli waxaa jira su’aalo badan oo aan is weydiineyno oo u baahan in laga jawaabo, si xaalku aanuu ugu ekaan mid khiyaano ku hoos jirto.”

Afhayeen u hadlay shirkadda Boeing u hadlay, ayaa sheegay in dadka sanduuqa taageerada ka helaya ee 100-milayan ee doolar lagu taageerayo ay xaq u leeyihiin iney sii wataan dacwadooda sharci ee ay shirkadda kula jiraan, arrintaasina aaney u ahayn mid lagu jilbo xirayo ama shuruud ay ku xiran tahay iney dacwadda joojiyaan.

Waxaa xusud mudan, in diyaaradda Boeing 737 Max gabi ahaanba shaqada laga joojiyay daafaha kala duwan ee dunida bishii March, kadib markii ay burburtay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda oo ku burburtay gudaha Itoobiya kadib markii ay duushay wax yar un kadib, dhacdadan ayaa waxaa ka horreeyey  shil kale oo ay ku burburay diyaarad ay isku nooc ahaayeen dhammaadkii 2018, waxaa iska lahayd oo iibsatay shirkadda duulimaadyada Indonesia ee Leon Air Airlines.

Goobjoog Edu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here