Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle oo Aan Ka Wareysannay Sababaha Loo Aaneynayo Hoos u Dhaca Dalagga Beeraha ee Maamulkooda

Wasiir ku-xigeeka Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo wareysi gaar ah siiyay ayaa ka warramay sababta hoos u dhaca waxsoosaarka beeraaleyda oo laba dhibaato ay haysato biyo yari ay wax la beeran kari waayaan iyo fatahaadda webiga oo dalagoodda jiriradda u siibta.

Wasiirka Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre ayaa ka warramay sababaha hoos u dhaca dagaalla beeraaleyda Hirshabeelle: “Guud ahaan Hiirshbeelle haba u badnaato beeraaleyda yaryarka ah ama guud ahaan beeraaleyda waxaa la dhihi karaa xaalado adag oo is dabajoog ah ayey soo mareen, marna biyo la’aan ayey joogaan marna dalaggii ayaa ka go’o, hoos u dhaca ku yimidna arrimahaas ayaa sal u ah,Si looga hortago arrimahaas loona dhiirrigeliyo beeraalaydaas, waan isku fahamnay annagoo kaashaneyna nidaamka iskaashatooyinka.”

Wasriir Daqarre waxa uu ka warramay sida ay xalka isaga la tahay iyo siyaabaha loola tacaali karo dhibaatada haysata beeraaleyda Hirshabeelle, hadalkiisiin waxaa ka mid ah: “Webigii wuu liqay, fatahaadi ma jirto, kal hore waan ka dignay hadana waan ka digaynaa, waxaan ka shaqeyn doonnaa inta uu webigu jiilaalka yahay inaan sameynno caro tuur adag meelaha ay biyaha ka soo baxaan, NGO-yada ama Company-yada loo dhiibayana kuwo si dhab ah ugu shaqeeya ha noqdaan, maxaa yeelay; mar kasta haddii meel howl laga qabto ee aan si sax ah loo qaban arrintaasi waayo aragnimo ayaan ka qaadannay  FOA iyo cid kasta oo ku mashqulsanna waan kala hadalnay.”

Si kastaba, xilliyadii dambe ayaa waxaa aad looga dareemayay suuqyda Muqdisho in khudaarta ay aad ugu yar tahay, qaarkoodna ayba gabaabsi sii yihiin maadama uu hoos u dhac ku yimid dalaggii beeraha ee labada shabeello oo ay suuqyadu si xoog leh ugu tiirsanaayeen.

 

Goobjoog Edu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here