Lagarde oo Bankiyada Dhexe ee Dunida Ugu Baaqday Iney Horumarka La Jaanqaadaan oo Ay Soo Saaraan Lacago Digital Ah

Christine Lagarde oo ah maamulaha guud ee Sanaduuqa Lacagta Adduunka ayaa sheegatay in dunidii ay maanta u leexatay dhinac cusub ee dabaysha isbedelka ay u socoto, waxey sheegtay in  dhaqaalihii caalamku u jihaystay dhanka digital-ka, waxey tilmaantay in jiilka 2000 ee (Millennials) loo yaqaanno uu dhaqaalaha ka maamulo mobile-kiisa.

Lagarde, hadalkan waxey ka jeedisay dabaaldagga Teknoloojiyadda lacagta oo sanadkan lagu qabtay  Singapore, Arbacadii, waxey tiri: “Lacagtii wey is bedeshay, waxaana la filayaa in sida haddan ay tahay ay ka sahlanaato dhanka adeegsigeeda, sida hadda ay tahay si ka yara sahlanna ay noqoto.”

Waxey ku baaqday in lacagta lagu milo dhanka baraha bulshada, si hab sahalan loogu isticmaalo, si ay u noqoto mid raqiis ah oo hadana aamin ah lagana dhowro dadka dambiilayaasha ah ee isku daya iney had iyo jeer dadka dhacaan.

Sidaas oo kale, bankiyada dhexe ee dunida waxey ugu baaqday iney soo saaraan lacag Digital ah, dowladuhuna waxaa iney buuxiyaan, ayay tiri, gaabka ka dhalanaya lacagta lagaha laga guurayo si tartiib tartiib ah.

Waxeyna farta ku fiiqday in Bankiyo dhexe oo badan ay ku fakaraan iney hirgeliyaan lacago digital ah oo si  guud ay dadku u wada isticmaalaan.

Si kastaba, tallaabadan ayaa muujineysa in dunidu u sii guurayso dhanka lacagta digitalka ah; sida; EVC iyo EDahab oo kale, ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ay macaamiishooda howlaha nolol maalmeedka ugu fududeeyaan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here