Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Sheegay Iney Shiinaha Kala Hadleen Sidii Ganacsata Soomaaliyeed Loogu Fududeyn Lahaa Visa-ha Dalkaasi

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha xukuumadda FS oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka waray safar uu ku gaaray dalka Shiinaha iney kala hadleen sidii ganacsatay Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa Fiisaha dalkaasi.

Injineer Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha, oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo dhowaan booqasho ku tagay dalka Shiinaha ayaa ka war bixiyay safarkooda iyo ujeeddada ka dambeysay.

Wasiir C/llaahi ayaa sheegay iney Shiinaha kaga qeybgaleen shirka bandhigga Koowaad ee Waddamada Afrika iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in halkaasi lagu soo bandhigay wax-soo-saarka Dalalka Qaaradda iyo Shiinaha, si loo horumariyo fursadaha maalgashiga, is-kaashiga iyo isu dheellitirka waxyaabaha ay Labada dhinac isu dhoofiyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay la kulmeen, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Shiinaha iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa: “Labada dhinac waxay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Labada Dal, waxyaabaha dal walba uu dalka kale uu u dhaafsan karo, sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Fiisaha Dalkaasi, sidii ay Safaaradda Shiinaha si dhammeystiran uga howlgeli lahayn Muqdisho, si ay ugu sahasho Dal ku-galka ay u baahan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed“.

Dowladaha ayaa sidoo kale ka wada hadlya sidii badeecadaha Soomaaliyeed loogu heli lahaa Suuq, in Shirkadaha Shiinaha lagu dhiirri geliyo in ay maalgashi ku sameeyaan qeybaha kala duwan ee wax soo saarka Soomaaliya, sida kalluumeysiga, Beeraha, Xoolaha iyo qeyraadka kale ee uu Dalku leeyahay.

Wafdigan ayaa intii ay Shiinaha joogeen waxay booqdeen Warshadaha sameeya Gaadiidka iyo qalabka culus ee Tareennada.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here