“Eco” oo Noqoneysa Lacagta Ay Ku Midaysan Yihiin Wadamada Bariga Afrika Marka La Gaaro 2020

 

Madaxweynayaasha dowladaha bariga Afrika ayaa waxey ku heshiiyeen iney sameystaan lacag midaysan “eco” oo lagu kala bedelanayo wax is dhaafsiga gacansi laga bilaabo 2020.

Wargeyska ” Lemonde.fr” ee dalka Faransiiska kasoo baxa ayaa sheegay in madaxweynayaasha dowladaha xubinta ka ah ururka bariga Afrika ay qalinka ku duugeen iney sameystaan lacag midaysan oo magaceeda loo bixiyaye eco marka la gaaro sanadka 2020, waxeyna go’aankaa ku gaareen shir ay ku yeesheen caasimaadda Nigeria ee Abuja.

Wasiiradda maaliyadda waddamada ururka bariga Afrika ayaa dhex bartamihii bishii Juun horey ugu gaaray heshiis hordhac ah iyo iney adeegsadaan lacag midaysan oo la isku raacay in loo bixiyo eco , marka la is weydaarsanayo wax is dhaafsigooda gacansi ee wadamadan dhexdooda, iyadoo hoosta ka xariiqay in bilowga hore lacagta laga dhaqan gelin doono wadamada dhaqaalahoodu isku dheellitiran yahay.

Sidaas oo kale, dowladahani waxey doonayaan in mustaqbalka dhow ay sameeystaan suuq midaysan iyo canshuur dheellitiran oo dhanka dekedaha ah, si loo kordhiyo wax isdhaafsiga gacansi ee wadamadaada dhexdooda ah.

Waxaa xusid mudan  in dowaladaha bariga Afrika ay ka kooban yihiin 15 dalka oo kala ah: Benin, Burkina Faso, Cape Verde, Côte d’Ivoire, Gambia, Ghana, Guinea, Guinea-Bissau, Liberia, Mali, Niger, Senegal, Sierra Leone and Togo.

 

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here