Rasmi.. Aasaasaha Amazon oo Xaaskiisii Hore Siinaya Lacagihii Ugu Badnaa Abid ee Furriin Lagu Kala Qaato.. Habeen iyo Maalin Gudaheed Ayey Ku Noqoneysaa Haweenayda 4aad ee Ugu Taajirsan Adduunka (Muuqaal)

 

Maalmo gudahood ayaa, Mackenzie Bezos, ay noqoneysaa gabadha Afaraad ee ugu taajirsan adduunka,  kadib marka ay Jeff  Bezos ay kala wareegto oo akownkeeda gaarka ah uu ku shubo 4% saamiga uu ku leeyahay shirkadda Amazon, si ay magdhow ahaan ugu qaadato furriinkeeda.

Qareenka furriinka ayaa laga sugayaa oo ay horyaallaan warqadaha si uu u saxiixo 38 bilyan oo dolar, oo lagu wareejinayaan account-iga u gaar ah Mackenzie Bezos oo sidaa ku noqonaysa haweenayda afaraad ee ugu taajirsan adduunka .

Furriinkan ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay kii ugu qaalisan abid, horey recordka furriinka ugu qaalisan adduunka  waxaa u haystay furriinka dhacay sanadkii 1999 oo ay 2.5 bilayan oo dolar ay ku qaadatay Jocelyn Wildenstein oo ay kala tageen gacansadaha Alec Wldenstein.

Mackenzie Bezos, ayaa horey u ballan qaadday in hanteeda kala ugu tabaruci doonto dadka u baahan.

Jeff Bezos iyo Mackenzie Bezos, ayaa is guursaday sanadkii 1993, waa sanad un ka hor inta aanuu aasaasin shirkadda Amazon oo uu ku aasaasay guri ku yaalla Istaatal.

Iyadoo ay jirto in hantida Jeff Bezos, laga jarayo 38 bilayan oo dolar, ayaa hadan uu sii ahaan doonaa ninka ugu taajirsan adduunka, maadama ay hantidiisa guud gaareyso 118-bilyan oo dolar.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here