Trump oo Dagaalkii Ganacsi Dhinac Kale Ka Furay Kadib Markii Uu Yara Hakiyay Kii Kala Dhaxeeyay Beijing!

 Kadib markii si ku-meel -gaar ah loo hakiyay dagaalkii ganacsi ee u dhaxeeyay Washington iyo Beijing, ayaa Mareykanku uu ku dhawaaqay inuu bilaabay tallaabooyin ku aaddan siduu uu cashuuro dheeraad ah ugu soo rogi lahaa Midowga Yurub, si looga falceliyo kaalmada aan isku dheellitirneyn ee Midowga Yurub ay ku kala xigsadaan shirkadaha diyaaradaha sameeya.

Liiska beedacadaha cusub ee cashuurta lagu kordhinayo waxaa ka mid ah, sagaashan badeeco, oo caano maraacigu ku jiro, cabitaanno alcohol ah iyo cunnooyin doofaarka hilibkiisa iyo baruurtiisa laga sameeyay.

Qiimaha gacansiga ee cashuurta lagu kordhinayo waxa lagu qiyaasayaa 4-bilayan oo dolar, waxaana lagu sii darayaa liiska badeecooyin kale oo qiimaheedu gaarayo 21 bilayan oo dolar.

Bayaankii dhanka Mareykanka ka soo baxay waxaa ku qornaa, cashuur kordhintan waxaan uga golleenahay in hortabinta la siiyo xuquuqda uu Mareykanku leeyahay khilaafka kala dhaxeeya Midowga Yurub iyo wadamo kale oo horyaalla Ururka Gacansiga Adduunka, marka la eego garab istaagga aan isku dheellitirneyn ee loo sameynayo warshadaha diyaaradaha sameeya.

Eedaymaha Mareykanka waxey si gaar ah ugu socotaa shirkadda  Airbus ee aadka ula tartanka shirkadda Boeing oo khilafka ka dhex taagan uu 14 jirsaday, khilaafkan ayaa Mareykanka iyo Midowga Yurub waxey is dhaafasaneyeen eedaymo horyaalla ururka gacansiga Adduunka si shirkadaha diyaaradaha sameeyaa ay u helaan garabistaag siman oo aan qolana si gaar ah loogu eexan, waa sida ay sheegtay wakaaladda warar ee AFP, iyadoo Mareykanku uu ku doodayo in shirkadihiisa diyaaradaha sameeya  si gaar ah loo faquuqo gudaha Midowga Yurub.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli shirkadda Boeing ay waajahayso dhibaatooyin, kadib markii cillado lagu arkay diyaaradaha ay soo saarto ee Boeing  737 Max oo ka qarxeen laba diyaaradood oo mid laga lahaa dalka Indonesia October 29, 2018(189 qof ay ku dhinteen), halka tan labaadna ay ku burburtay gudaha Itoobiya Marso 10 (Waxaa ku dhintay 157 qof).

Halka canshuur kordhin kasta uu go’aankeeda yeelan doono garsoore uu u xulayo ururka Gacansiga Aduunka.

Bayaanka dhiillada dagaalka ganacsi xambaarsan, ayaa ka soo baxay maamulka Trump, kadib labo maalmood un markii Mareykanka iyo  Beijing ay ku heshiiyeen in hakiyo dagaalkii gacansi ee u dhaxeeyay labada dhinac ee baryahanba soo jiitamayay.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here