Si Aad Ugu Guuleysato Shaqadaada Cusub.. Raac (6-dan) Talo ee Muhiimka Ah (Muuqaal)

Bani’aadamku guud ahaan waxa uu dareemaa farxad iyo yididiilo marka uu helo shaqo wanaagsan oo ku habboon aqoontiisa iyo khibraddiisa mihnadeed, sidaa darteed; waxa uu ku bixinayaa dadaal kasta si uu naftiisa u muujiyo inuu shaqadaa u qalmo, si hadaba; aad hadafkaaga u gaarto waxaa waajib ah inaad raacdo talooyinkan aan idinku soo gudbineyno sadaradda soo aaddan, waa sida uu sheegay websiteka “Positivityblog”.

Talooyin ku aaddan marka aad shaqo cusub hesho

-Qofka shaqaalaha ah waxaa ku waajib ah inuu hadafkiisa shaqada cusub uu xadido, iyo halka uu rabo inuu tiigsado mustaqbalka, waa inuu warqad ku diiwaangeliyo wadadii uu u mari lahaa xaqiijinta hadafkiisa.

-Marka uu qorshihiisa diyaar sado, qofka shaqaalaha ah waxaa ku waajib ah inuu ku socdo qorshihiisa oo aanuu ka leexleexan si uu u xaqiijiyo, sidaas oo kale, waxaa habboon inaad bedesho tallaabooyinka qaar ee aan ku habbooneyn shaqadaada ee kaa horistaagi kara inaad hadafkaaga gaarto.

– Waa inaad og tahay halka aad ka liidato oo aad is hagaajiso, tusaale ahaan, haddii aad u baahan tahay inaad luqadaha iska dhisto, waxaa waajib ah inaad raadsato koorsooyin dhanka luqadaha ah ee aad u baahan tahay si aad horumar u sameyso.

-Halkan waxaa lagu talinayaa inaad isasoo hordhigto waxa ugu daran ee aad la kulmi karto shaqada, marka ay xaaladdu xumaato.

-Waa inaad adeegsatgo saaxiibadaa si ay wax kuula qabtaan marka aad shaqada culeys kala kulannto ama ay wax si kaa noqdaan.

-Qofka shaqaalaha ah waxaa ku waajib ah inuu barto sida uu waqtigiisa u beekhaamin karo ugana faa’iidaysan karo, si aanuu ugu lumin arrimo aan faa’iido u lahayn.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here