Sicirka Dahabka oo Gaaray Heerkiisii Ugu Sarreysay Muddo 6 Sanno Ah

 Sicirka dahabka ayaa sare u kac laga dareemay Talaadadii oo uu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay muddo 6-sano ah, sare u kacan ayaa loo aaneynayaa inuu salka ku hayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Iran iyo Mareykan oo soo labo kacleeyay, arrintaas oo maalgashadayaasha ku riixday iney iibsadaan dahabka oo ah goob aamin ah oo in lagu khasaaraa ay yar tahay.

Isla markii khilaafkan cusub uu soo baxay, waxaa sare u kac laga dareemay qiimaha dahabka ee suuqyada caalamka oo gaaray 1438.63-dolar halkii ounce, waana heerkiisii ugu sarreeyay laga soo bilaabo May 14, 2013.

Khabiirka dhanka istiraatiijida suuqa ee shirkadda CMC Markets, Michael McCarthy, ayaa yiri: “Filashooyinka hoos u dhac ku yimaadda sicirka faa’iidada, hoos u dhaca doolar iyo qalalaasaha ka taagan bariga dhexe waxey deegaan fiican u diyaarineysaa iney kor u kacaan sicirka dahabka.”

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here