Itoobiya Oo 19.19 Miliyan Oo Dollarka Mareekanka Ku Maalgalinaysa Mashruuca Dekada Berbera

Heshiiska Dekada Berebera lagu balaarinayo oo ay ku baxayso Lacag dhan 442 Milyan oo Doolar ayaa waxaa qayb ka ah Dowlada Itoobiya,oo iyadu ka mid ah Saamilayda Dekada, iyadoo la qorsheeyey in balaarinta dekada ay soo gabagabowdo dhamaadka sanadka 2020

Wajiga kowaad ee dhismaha Dekada Barbara ayaa wuxuu noqonayaa balaarin lagu sameynayo dhulka dekadu ku fadhiso waxaana la gaarsiinayaa 250,000 mitir, kharashaadka ku baxaya wajiga kowaad waxaa loo qoondeeyey 101 milyan oo dollar,maadaama Dowlada Itoobiya ay saami ahaan dekada ku leedahay 19% waxaa waajib ah heshiiskana ka mid ah iney wax ka bixiso kharashka lagu balaarinayo dekada si ay u hesho saamiga ay leedahay, dhismaha wajiga kowaad waxaa Itoobiya kusoo aaday 19.19 milyan oo Dollar inay bixiso, Halka Ay Dowladd Imaaradka ay  bixinayaan 60 milyan oo Dollar, lacagta inta kale oo gaaraysa 21.81 milyan waxaa bixinaya  Soomaaliland, lacagtaan waa kharashka ku baxaya wajiga kowaad ee dhismaha Dekada.

Mashruuca Dekada Berbera lagu balaarinayo ayaa horay waxaa u wada sixiixay  Soomaaliland iyo Imaaraadka  

Goobjoog Business.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here