Diyaaraddii Ganacsi Ee Ugu Horreysay Oo Sameysa Duullimaad Aan Hakad Lahayn Oo Ka Soo Duushay Dalka Singapore

Diyaaradaan ayaa waxay ka degtay magaalada New York, iyada oo jartay masaafo dhan 15,000 oo kiilo mitir waxayna ku qaadatay 17 saacadood iyo 52 daqiiqo.

Shirkadda diyaaradaha Singapore oo dib u billaawday duullimaadkeeda 5 sana kaddib iyada oo duullimaadyada dhaadheer horay u joojisay iyada oo sheegtay iney kharash ahaan shirkadda iisu bixineyn.

Diyaaradda SQ22 ayaa waxay sidday 150 rakaab ah iyo 17 shaqaalaha diyaaradd

Geoffrey Thomas, oo ah tifaftiraha guud ee Airlineratings.com ayaa wuxuu sheegay inuu wakhtiga uu si degdeg ah ku socday mana moodeyn ayuu yiri duullimaad qaatay 17 saacadoo iyo wax ka badan.

Wuxuuna BBC uu u sheegay “inuu duullimaadka ahaa mid aad u fudud oo aan adkeyn”

“waxayna rakaabka oo dhan isku raaceen ayuu yiri wakhtiga sida uu u ordayey iney rakaabku dareemin duullimaad qaatay saacada badan inuu ahaa.”

Diyaarad rakaab ah oo tan ka horreysay oo wakhtiga ugu dheeraa duushay ayaa waxay ahayd diyaarad ka soo duushay Auckland ilaa Doha oo 17 saacadood hawada ku jirtay

Diyaaraddan laga leeyahay shirkadda diyaaradaha Singapore oo uu nooceedu yahay A350-900 oo khamiisti duullimaadka ugu dheeraa ku tagtay New York waxay lahayd laba Matoor.

Waxaana naqshadda diyaaraddan loo sameeyey iney beddesho nooci hore ee Boeing 777 iyada 20%-30% ay diyaaradda Boeing 777 ka shidaal cun yartahay.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here