Wasiirka Maaliyadda Oo Sheegay In Ay La Wareegi Doonaan Dakhliga Ka Soo Xarooda Maamulka Hawada Soomaliya.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  Wasirka Maaliyada Soomaaliya  ayaa ka hadlay guulaha Wadanka  uu ka  gaartay wada hadalada deymaha looga cafinayo ee kala dhaxeeya Hey’adda lacagta Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (IMF) , kordhinta dakhliga iyo isla xisaabtanka.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ay iska kaashanayaan sidii lacaga canshuurta ah ee laga qaado diyaaradaha mara hawada dalka oo in mudda ah ay soo maamulaysay Qaramada Midoobay loogu wareejin lahaa Wasaaradda Maaliyadda.

 “Maanta sida uu adduunku inoogu soo jeedo ayaa baanankanu u soo jeedaan,  dhawaan waxaan heli doonaa Baanan  yimaada halkan oo baanankeena wax la qabsada, oo Branches halkan ka furta oo lagu nasto oo lacagta xawila” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaliya Ayaa Horay ula wareegtay 27 Sano  Kadib Maamulka Hawada Dalka .

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here