Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Oo Xafiis Ka Furatay Degmada Buuhoodle.

Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa dib u howl gelisay xafiiska socdaalka bar xudeedka Degmada Buuhoodle.

Hey’adda ayaa la kaashatay Maamulka iyo odayaasha dhaqanka Degmada buuhoodle in dib loo furo xafiiska hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Degmadaasi.

Munaasabadda lagu daahfurey xaafiiska ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socdey hey’adda socdaalka, qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, maamulka degmada iyo ciidamada amniga, wuxuuna dhinac walba balan qaadey gudashada waajibka kaga aadan howlaha xaafiiska.

Daahfurka xaafiiskaan ayaa micnihiisu yahey in Soomaaliya dhinaceeda ay diyaar u tahey ilaalinta amniga, sharciga iyo hababka socdaalka gobolka iyo guud ahaan kan caalamka.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here