Mareykanka Oo Canshuuro Cusub Kusoo Rogay Badeecoyinka Shiinaha.

Mareykanka ayaa canshuuro dheeri ah oo gaaraya $200 bilyan (£150 Bilyan), kusoo rogay badeecooyinka Shiinhaa, taas oo sii xumeyneysa dagaalka ganacsi ee kala dhaxeeya Beijing.

Canshuurahaan ayaa saameynaya ku dhawaad 6,000 oo Badeeco, taas ayaana ka dhigan canshuurihii ugu badnaa ilaa iyo hadda ee uu mareykanku soo rogo.

Boorsooyinka caadiga ah iyo kuwa  gacanta, bariiska, dharka,  tiishka musqulaha iyo dhogorta xoolaha ayaa ku jira, laakiin qaar ka mid ah waxyaabaha la filayay in labeegsado sida saacadaha smart-ga iyo kuraasta ayaan liiska ku jirin.

Shiinaha ayaa horay wacad ugu maray inuu cabir la mid ah kaga jawaabi doono, haddii uu Mareykanku soo rogo taariifooyin cusub.

Canshuurahaan cusub ayaa dhaqan geli doona 24ka bishan September, waxeyna ku bilaabanayaan 10%, waxaana laga dhigi doonaa 25% sanadka cusub, haddii aan xal laga gaarin xiisada ganacsi ee labada dhinac, taas oo ku aaddan muranka canshuuraha.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in canshuurahaan cusub ay jawaab u yihiin ganacsiga aan cadaaladda aheyn ee Shiinaha.

“Waxaan si cad u caddeynay nooca isbeddelada loo baahan yahay in la sameeyo, waxaan siinay Shiinaha fursad kasta oo uu nagula  dhaqmi lahaa si caddaalad ah. Laakiin ilaa iyo hadda Shiinaha ma rabo inuu bedelo habdhaqankiisa” Ayuu yiri Trump

Sidoo kale waxaa uu ka digay in shiinaha uu isna dhankiisa canshuur la mid ah kaga jawaabo “Mareykanku waxa uu si degdeg ah u gali doontaa wajiga 3aad, taas oo macnaheedu yahay in taariifooyin kale oo dheeri ah uu saari doono badeecoyinka kale ee shiinaha oo qiimo ahaan gaaraya $267 bilyan”

Haddii uu mareykanku uu saaro canshuuro kale badeecooyin gaaraya $267 Bilyan, waxa ay ka dhigan tahay in dhammaan Alaabada Shiinaha ee loo soo dhoofiyo Mareykanka gabi ahaanba taariifooyin dheeri ah la saaray.

Suuqyada Saamiyadda Shiinaha ayaa maanta oo talaado ah hoos u dhacay, kadib canshuurahaan cusub ee uu Mareykanku soo rogay.

Isbedelkaan cusub ayaa imaanaya iyadoo si weyn uga soo horjeesteen shiirkadaha ugu waaweyn dhanka tiknoolajiyadda ee dalkaasi sida Apple, Dell and Hewlett Packard Enterprise.

Waxaa ay sheegen in ay cabsi ka qabaan in canshuurahaan ay kor u qaadaan qiimaha wax soo saarkooda maadaama Alaabada ay isticmaalan inta badan lagu sameeyo shiinaha.

Wada hadallo u dhaxeeyay saraakiil sar sare ee labada dhinac ayaa ku dhamaaday is afgaran waa bishii May, dadaallo kale oo dib loogu bilaabayo wada xaajood ayaa sidoo kale fashilmay.

Shiinaha ayaa sheegay in uu diidi doono wada hadal lala galo Mareykankaa, haddii uu Trump canshuuro oo gaaraya $200 bilyan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here