Wasiirka Beeraha Hirshabeelle Oo Sheegay In Cabsi Xoogan Laga Qabo In Webiga Shabeelle Uu Fatahaad Markale Sameeyo.

Wasiirka beeraha dowlad goboleedka Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey ayaa wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in ay jirto casbi laga qabo fatahaad uu iminka sameeyo wabiga Shabeelle ee mara gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe uu webiga ku baxay, isla markaana uu dallag badan baabi’iyay, balse hadda xooggii biyaha uu yaraaday.

Wasiirka beeraha Hirshabeelle Xasan Muudeey ayaa tilmaamay in cabsida sidii loo malaynayay aysan aheyn, islamarkaana dadaallo lagaga hortago ay socdaan haddiiba ay dhacdo inuu fatahaad sameeyo wabiga.

Dadka beeraleeyda ah ee ku nool labadaasi gobol ayaa maalmihii dambe qabay cabsi la xiriirta inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso:

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here