Wasiirka Maaliyadda XFS Oo Shir Looga Hadlayo Daabacaadda Lacagaha Cusub Iyo Cafinta Deymaha Soomaaliya Uga Qeybgalaya Nairobi.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shirka SMP3 (Staff-Monitored Program).

Wasiir Beyle ayaa sheegay inuu ka rajeynayo shirkan mid ku soo dhamaado guul, isagoo intaas ku daray in looga sii gudbi doono jabtar cusub oo sahlaya daabacaadda lacagta shilinka soomaaliga ah.

“Maanta waxaan safar u aaday Magaalada Nairobi oo kaga qeyb gali doono shirka SMP3oo ah Jabtar cusub oo aan ka gudbi doono taas oo noo sahli doonta arimaha dabaacada Lacagta iyo Deymaha waxaan rajeyna in aan Guul kale ka gaaridoono.,”ayuu yiri Wasiir Beyle oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebooka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay usoo daabici laheyd lacago cusub oo bedel u noqda kuwa hadda oo aan gobolada qaar laga isticmaalin iyo sidoo kale sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here