Wasiirka Maaliyadda Puntland Oo Ganacsatada Deeganada Maamulkaasi Faray In Ay Bixiyaan Canshuuraha.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Siciid Carshe ayaa ku dhaliilay ganacsatada Puntland in aysan sidii loo baahnaa ku bixin canshuurtii Maamulka.

Wasiirka maaliyada Puntland ayaa waxa uu isbar bardhig uu ku sameeyay Canshuurta laga qaado magaalooyinka Muqdisho, Berbera iyo Bosaaso, waxa uuna sheegay in kiishka sokorta ah ee ka soo daga dekeda Bosaaso Ganacsatada Puntland ay dowladdu ka qaaado canshuur dhan 0.47 santi ,halka Muqdisho uu ka yahay kiishka sonkorta ah 3 doolar , Berberana uu ka yahay 2.5, taas oo macnaheedu ay tahay in ganacsatada Puntland laga qaado canshuur aad uga hooseysa mida laga qaado ganacsatada dhiggooda ah ee waxa kala soo degta Magaalooyinka kale ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in canshuurta intaasi la eg ee laga qaado ganacsatada Puntland ay dowladdu kaga shaqeyso Amniga , Waxbarashada, caafimaadka Mushaaraadka shaqalaaha Dowladda.

Ganacsatada iyo shacabka ayuu ka dalbaday wasiirku in ay bixiyaan cashuurta ,si ay dowladdu u gudato waajibaadka saaran.

Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in ay ogolyihiin in lala xisaabtamo wasaaradda Maaliyadda, balse waa haddii ayuu yiri ay ganasatada iyo shacabka sida saxda ah u bixiyaan canshuuraha.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka:

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here