Trump Oo U Sheegay Shirkadda Apple In Wax Soo Saarkeeda Ku Sameeyso Gudaha Mareykanka Si Ay Uga Fogaato Canshuuraha.

Madaxweyne dalka Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in shirkadda Apple ay badeecooyinkeeda kusoo saarato gudaha hadii ay doonayaan in ay ka badbaadaan Canshuuraha la saarayo badeecoyinka Shiinaha laga keeno.

Shirkadda ayaa sheegtay in Canshuuraha uu qorsheynayo Trump ay saameyn doonaan qiimaha si guud badeecooyinka Apple oo ay ku jiraan Saacadaha Apple, balse ma carabaabin iPhone.

Trump ayaa Jimcihii sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo canshuuro kale oo dheeri ah, kuwaas oo la saarayo badeeco qiimo ahaan gaareysa $267 billion, taas oo ka dhigeysa in Mareykanku uu gabi ahaan badeecooyinka kasoo gala Shiinaha wada saaray taariifooyin dheeri ah.

Trump ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in “qiimaha alaabada Apple ay kordhi karaan sababtoo ah canshuuraha baaxadda leh oo la saarayo Shiinaha, laakiin waxa uu tilmaamay in xal fudud uu jiri karo oo ka dhigaya bilaa canshuur, taas oo ah in ku sameystaan badeecooyinkooda gudaha Mareykanka inta aad ay ku soo saari lahaayeen Shiinaha”

Shirakadaha Tiknoolajiyadda ayaa ka mid ah ganacsiga ay sida aad ah u saameyneyso Canshuuraha, taas oo ka dhigi karta qiimahooda kuwo aad u qaali ah.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here