Shirkadda Baabuurta Volkswagen Oo Laga Doonayo Magdhow Ku Dhow $11 Bilion.

Volkswagen ayaa maxkamad la soo taagay Isniintii si ay ula kulmaan maalgashadayaasha oo raadinaya 9.2 bilyan euros ($ 10.6 bilyan) oo magdhow ah, waxeyna ku doodayaan in ay aheyd in shirkadda ay xilli hore soo ogeysiiso saamileyda fadeexadii qarinta qaaca naftada.

Saamileyda oo ay matalayeen 1,670 xubnood ayaa raadinayay in magdhow laga siiyo hoos u dhaca ku yimid saamiyadda shirkadda oo ay saameysay fadeexadda soo shaac baxday September 2015, taas oo shirkadda galisay qarash dhan 2.74 Bilyan oo Yuuro oo ganaax iyo magdhow isagu jira.

Saamiyadda shirkadda Volkswagen ayaa dhumiyay 37% qiimihii ay ku fadhiyeen tan iyo markii ay soo if baxaday arintaani.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here