Shir Looga Hadlayo Arimo La Xiriira Dhaqaalaha Oo Maanta Ka Furmaya Asmara.

Shir saddex geesood ah oo looga hadlayo iskaashi dhaqaale oo dhex mara dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya ayaa maanta lgua wadaa inuu ka furmo Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eratariya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi, kan Eratariya Asaias Afawerki iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shirkani si wadajir ah u qaadan doono.

Wasaaradda arrimaha dibedda qoraal laga soo saaray ayaa lagu sheegay in shirku uu ku saabsan yahay iskaashi dowladahani ay ka sameynayaan xagga ganacsiga, si koboc dhaqaale ay u hiigsadaan.

Xalay saqdii dhexe ayaa magaalada Asmara waxaa ka dhacay heshiis seddex geesood ah oo ay wada saxiixeen madaxda 3da dale e Soomaaliya, Eratariya iyo Itoobiya.

Shirka maanta magaalo madaxda Eratariya ee Asmara ka billaabanaya ayaa socon doono labo maalmood, waana mid si weyn isha loogu hayo, waxa ka soo bixi kara iyo jawaab celinnada ka imaan kara dowladaha gobolka oo aan qeybta ka ahayn Isxulafeysigani cusub.

Waxaa jirta hadal-heyn ah waxyaabaha keenay in dowladihii kale ee gobolkani ay shirkani ka maqnaadaan sida dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Jabuuti oo iyadu khilaafyo dhuleed uu kala dhaxeeyo xukuumadda madaxweyne Akawerki.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here