Guddiga Dhismaha Wadada Dhexmarta Magaalada Bosaaso Oo shaaciyay Dhaqaalihii Usoo Xarooday Si Wadadaas Loogu Dayactiro

Gudiga dhismaha wadada halbowlaha ah ee dhexmarta magaalada Bosaaso ayaa waxa ay shaaciyeen cadadka lacageed o ay uruuriyeen , tan iyo markii la bilaabay yabooha lacagta lagu dhisayo wadadan oo uu ka muuqdo bur bur lexaad leh.

Sheekh Maxamed Macalin oo ah gudoomiyaha gudiga dhismaha wadadan ayaa sheegay in ganacsatada, dadweynaha iyo gaadiidleyda ay balan qaadeen lacag gaareysa 160 kun oo doolar, waxaan uu sheegay in qeyb kamid ah lacagtaasi ay soo gaartay .

“Waxaan rabaa in aan bulshada usoo gudbiyo wixii ay ku deeqeen dadweynaha iyo gaadiidleyda guud ahaan waxaa noola ballan qaaday 160 kun oo doolar waxaa naga soo gaaray 96 kun oo doolar, 15 kun mid ah qalab ahaan ayuu nagu soo gaaray, inta kale kaash ayaan u heynaa” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin

Ugu dambeyn gudoomiyaha gudiga dhismaha wadadaasi ayaa  xusay in la gaaray waqtigii laami heer sare ah oo tayo leh la dhisi lahaa, isagoo xusay in ay raadiyeen qalab tayo leh si loo helo waddo xooggan.

Wadaddaan la qorsheynayo in la dhiso ayaa ah waddo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka Magaaladaasi, waxeyna aheyd mid burbursan oo dadka iyo baabuurtaba ay dhibaato ku qabeen.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso:

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here