Maalqabeen U Dhashay ShiinahaOo Mareykanka Lagu Xiray.

Liu Qiangdong oo madax ka ah barta wax lagu kala iibsado ee JD.com ayaa si kooban loogu xiray dalka Maraykanka isaga oo lagu eedeeyay gaf galmo la xiriira.

Liu oo ka mid ah dadka ugu maalqabeensan dalka Shiinaha ayaa lagu xiray Minneapolis waxyar ka hor saqdii dhexe ee Jimcaha, waxaana la siidaayay galinkii dambe ee Sabtida.

JD.com ayaa sheegtay in Liu oo sidoo kale loo yaqaanno Richard Liu lagu been abuurtay, booliiskuna wuxuu sheegay in baaritaankaasi uu wali furan yahay.

Suuqaan JD.com ee dhanka internetka ah ayaa xiriir la leh suuqyada Tencent iyo Walmart.

War qoraal ah oo ka soo baxay JD.com oo lagu baahiyay barta bulshada Shiinuhu ay ku xiriirto ee Weibo ayaa lagu sheegay in xiritaanka Minnesota uu salka ku hayay “eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn”.

“Booliiska deegaankaas ayaa durba go’aan qaatay oo sheegay in aan caddaymo loo helin eedaymaha loo soo jeediyay Liu, si degdeg ah ayayna ugu suuragashay in uu hawlihiisii iyo qorsheyaashii uu hore u lahaa sii wato”.

Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in aysan baahinaynin xog intaas ka badan maadaama oo dacwaddu wali furan tahay.

“Waxaan go’aansanay in aan sii dayno, taasina kama dhigna in ay baahinayo inta ay la egtahay caddaymaha la hayo” ayuu BBC u sheegay John Elder oo booliiska u qaabilsan xogta bulshada lala wadaago.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here