Mareykanka Iyo Canada oo Ku Heshiin Waayay Wada hadalladii Ganacsiga Xorta Ah Ee Waqooyiga Ameerika.

Wadahadalladani ayaa socday muddo toddobaad ah, waxaana la rajeynayaa in mar kale usbuuca dambe ay dib u billowdaan.

Balse madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu heshiis laba geesood ah la galayo dalka Mexico, waa haddii buu yiri Canada iyo Mareykanka ay ku heshiin waayaan wada xaajoodka usbuuca dambe.

Wakiilka Mareykanka ee arrimaha ganacsiga, Robert Lighthizer, ayaa sheegay in Canada haddii dooneyso ay heshiiskani ganacsiga xorta ah ee woqooyiga Ameerika ay ku soo biiri karto.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Canada Chrystia Freeland oo shir jaraa’id qabatay ayaa sheegtay in labada dhinacba ay muujinayaan niyad wanaag, haddii la isku afgarto heshiiskaasina uu dan u yahay saddexda waddan ee kala ah Mareykanka, Canada iyo Mexico.

Balse waxa ay caddeysay in dalkeeda uusan marnaba saxiixi doonin.

 

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here