Madaxweyne Trump Oo Furka Ku Tuuray Shirkadda Google.

Madaxweyne Trump ayaa shirkadda Google ku eedeeyey in baaritaanno shirkadda lagu sameeyey ee xogtiisa ku saabsan iney yihiin kuwa aan wanaagsaneyn oo waxyeelle u geysta.

Qoraal uu madaxweyne Trump uu boggiisa Tweetarka uu ku qoray ayaa wuxuu ku sheegay shirkadda weyn ee dhinaca technooloojiyadda ku horreyso wararka iyo warbixinnada ay isaga ka soo saarto ay google ka dhigeyso “warbaahin gacan bidixeeyso”.

Inta badan wararka isaga ku saabsan ee ay ka qoraan waxay yihiin kuwa aan dhexdhexaad ahayn cadaadis weyn ku hayo.

“BBC-dana waxay marar badan ay xog aniga ku saabsan weydiiyeen shirkadda Google ayuu yiri”

Mercedes Bunz, oo ah macallin wax ka dhigo kulliyadda technooloojiyadda ee London ayaa wuxuu u sheegay iney Google ay si weyn u caadeysatay iney qorta warbixinno xaqiiqda ka fog oo siyaasadeysan.

Google ayaa waxay boggeeda taagerada ku shegtay in ka badan “200 oo sababood” oo bogga shabakadda qaybta xogta loo baahdo laga baadho in la geliyo xogtaasi sababay.

Wuxuuna madaxweyne cabashadiisa Google ku saabsan oo uu ku qoray Tweetarka uu ku sheegay 96% warbixinnada la qoro oo google lagu soo bandhigo ee cinwaanka ay shirkaddu uga dhigtay “Trump News” xogta ku saabsan ay u qoraan si gacan bidixeyn ah”

Balse carrabka kuma dhufan xogta iyo siyaasadda gacan bidixeysa oo uu sheegay waxa ay tahay.

Ms Bolyard ayaa waxay sheegtay 96% xogta Google ay qorta iney CNN soo xigato sida uu madaxweyne Trump uu horayba u sheegay.

Waxayna sheegtay iney marar badan iyada oo adeegsaneyso Koombiyuutarro kala duwan aniga oo weliba adeegsanayo magacyo iyo cinwaanno kala duwan intaba, inti jeer ee aan wax baarayeyba waxay Google i siiyey xog isku mid ah ayey tiri.

“Haddii aan xogta si cilmiyeysan loo wadin, natiijada soo baxeysa oo dhan mid xaqiiqada ka fog ma wada ahaadeen”

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here