Wasaaradda Ganacsiga Jubballand Oo Qorsheyneysa In Isbedel Dhanka Ganacsiga Ah Ka Sameyso Degaannada Maamulkaasi.

Kulan ay soo qabanqaabisay wasaaradda ganacsiga Jubbaland oo ay isagu yimaaden wasiirro, ganacsato iyo mas’uuliyiin kale ayaa laga dooday sida ugu haboon ee lagu kobcin karo ganacsiyada deegannada Jubbaland.

Kulankan wasaaradda ay la yeelatay ganacsatada qeybaheeda kala duwan ayaa la iskula meel dhigay in laga wada shaqeeyo sidii kor logu qaadi lahaa ganacsiga kismaayo iyo guud ahaan jubballand.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa sheegay in wasaaradiisa ay ku dadaaleyso sidii ganacsatada Kismaayo iyo guud ahaan deegannada Jubbaland ay u noqon lahaayeen kuwo gaara halka ay ku haminayaan.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dadka Soomaaliyeed oo wax walba wadaaga ay ganacsi ku heshiin waayaan, waxaa uuna ku baaqay in la sameeyo is afgarad ganacsi oo ay ganacsatada Juballand sameystaan ururo iyo iskaashatooyin ay ku mideysanyihiin.

Goobo ganacsi oo tiro badan isaguna jira kuwo waaweyn iyo kuwo yaryar ayaa ku yaalla magaalada Kismaayo mana laha dallado ay ku mideysan yihiin.

Haddii ay rumowdo ballanqaadka wasaaradda waxa ay dhiiro gelin u noqon doontaa ganacsatada iyo dadka maanka ku haya in ay ganacsi cusub yagleelaan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here