Suuqyada Dalka Oo Dib U Howl-Bilaabay Maanta Kadib Fasaxii Maalmaha Ciidda.

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dhammaan dadka muslimiinta ay u dabaaldagayeen maalmaha farxadda ciidul Adxa, ayaa waxaa inta badan xirnaa suuqyada magaalooyinka dalka, gaar ahaan suuqyada caasimadda Muqdisho.

Waxaa saakay oo sabti ah gabi ahaanba albaabada loo ballaqay ganacsiga suuqyada Magaalada Muqdisho sida suuqa weyn ee bakaaraha.

Waxaana dib u howl bilaabay dhammaan qeybaha kala duwan ee ganacsiyada dalka , waxa ayna ganacsatadu sheegeen in maanta aysan jirin goob xiran oo ay dadku kasoo laabteen fasaxii ciidda.

Dhanka kale, Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka sh/dhexe ayaa waxaa maanta dib u furmay dhammaan suuqyada magaaladaasi, iyadoo dhamaan ganacsatada ay kasoo wada laabteen fasixii ciidda.

Dhammaan suuqyada degmooyinka gobolka Sh/dhexe ayaa sidoo kale dib u howl galay maanta, waxaana la wada furay guud ahaan ganacsiyada deegaannadaasi.

Goobaha ganacsiga sida bakhaarada, dukaamada dharka, suuqyada khudaarta, iyo kan xoolaha magaalada Jowhar ayaa maanta dhaqdhaqaaq ganacsi laga daremayaa oo maalmihii dambe xirnaa farxadda Ciidda awgeed.

Qiimaha Xoolaha, dharka, iyo macmacaanka ayaa hoos u dhac ku yimid suuqyada Magaalada Jowhar, madaama maalmihi ciidda ka horeeyay sicirkooodu uu sareeyay.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here