Wadayaasha Mootada Bajaajta Magaalada Beledweyne Oo Ka Dalbaday Maamulka Degmadaasi Inuu Ka Qafiifiyo Lacagaha Canshuuraha Ee Lagu Soo Rogay.

Maamulka Dowladda Hoose ee magaalada Beledweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay bilaabay canshuur diiwan galin ah oo laga qaadayo gaadiidka Mooto bajaajta, taas oo si weyn looga isticmaalo magaalada.

Canshuurtaas uu maamulku bilaabay ayaa waxaa cabasho xooggan  ka muujiyay wadayaasha Bajaajta, taas oo ku aaddan hanaanka canshuuraha iyo cadadka laga qaadayo.

Qaar kamid wadayaasha oo la hadlay Goobjoog ayaa ka codsaday maamulka dowladda hoose ee magaalada Beledweyne in ay ka qafiifiyaan xaddiga lacagta is diiwaangelinta oo ay sheegeen in aysan awoodin oo ay aad u badantahay lacagta lagu soo rogay.

“Bajaajley haddaan nahay canshuur fara badan ayaa nagula soo rogay oo aan u adkeysan karin, cabshuur $15 ah ayaa nagula soo rogay, dowladda waxaan ka codsaneynaa in nalaga dhaafo” Ayuu yiri mid kamid ah bajaajleyda

Dhinaca kale,  Maamulka magaalada beledweyne ayaa dhankooda ka hadlay cabashada ka soo yeertay wadayaasha bajaajta oo ku aaddan in lacago aysan bixin karin la dul dhigay.

Cali Cabadulqaadir faarax Duqa magaalada Beledweyne oo wareysi siiyay ayaa sheegay in aysan garaneyn waxa ay ka cabanaayan wadayaasha gaadiidka mooto Bajaajta, isla markaana waxa uu tilmaamay in canshuurta laga qaadayo ay tahay mid aan badneyn marka loo fiiriyo gobolada kale.

Duqa ayaa xusay in guddiga gaadiidleyda magaaladaasi ay kala hadleen lacagahaasi, islamarkaana ay isla garteen in qiimahaasi la qaado.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here