Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Sheegay Inay Shaqo Abuur U Sameynayaan Dhalinyaro Badan Oo Shaqo La’aan Ah.

Boqolaal dhallinyaro ah oo isagu jira kuwo soo dhameystay waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isla markaana wax ku bartay dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ayaa waxey xilligaan shaqo laaan ku heysataa deegaannada gobolka Hiiraan gaar ahaan Beledweyne.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay wadaan qorshooyin ay ku doonayaan in ay shaqo ugu abuuraan dhallinyarada xilligan shaqo la’aanta heysata.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee dhanka siyaasadda gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qorsheynayaan in ay dhallinyarda shaqo galiyaan.

“Waxaan Qorsheyneynaa dhallinyarada wax baratay, aqoonta leh in shaqo loo abuuro, kuwo aan wax baranna la baro xirfado ay ku shaqeystaan, waxaa naga go’an inan ka qeyb qaadaanno in dhallinyarada la caawiyo oo shaqo loo abuuro” Ayuu yiri gudoomiye ku xigeen Xasan Ibraaim Cabdulle

Magaalada beledweyne iyo guud ahaan gobalka hiiraan waxaa ka jira xilligaan walaac ay qabaan dhalinyarada wax bartay oo ku aaddan shaqo la,aanta heysta,iyaguna aysan aqoon meel ay shaqo ka raadsadaan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here