Kenya Oo Mas’uuliyiin U Xirtay Musuqmaasuq.

Xukuumada Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay madaxii hey’adda maamulka dhulka  iyo madaxii hey’ada Tareenka u qaabilsan dalka kenya iyagoo loo haysto musuqmaasuq lacag gaareysa 3 biliyan oo Dollar  oo loogu talogalay tareenka isku xiraya Nairobi  iyo Mombasa.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Kenya Nuuradiin Maxamed Xaaji ayaa soo saaray liis ay ku qoran yihii 18 ruux oo ay ku jiro Mohamed Abdalla Swazuri  Atanas Kariuki Maina iyo weliba mas’uusliyiin kale, ganacsato iyo 3 shirkadood.

Nuuradiin Maxamed Xaaji Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya oo amray xariga madaxdan ayaa sheegay in uu diyaarinayo dacwad lagu soo oogo raggaan.

Dowlada Kenya ayaa sanadkii hore waxa ay daah furtey waddo tareen oo ku baxday lacag gaareysa 3 bilyan oo dollar, hase yeeshee eedeymahaan uu soo jeediyay xeer ilaaliyaha ayaan waxaan ku jirin shirkad ama dad u dhashay dalka Shiinaha.

Kenya ayaa waxaa hareeyay sanadkaan xatooyo loo geysanayo xoolaha dowlada waxaana la xaday boqolaal malyan oo shillinka Kenya ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Kenya Nuuradiin oo sanadkii hore la magacaabay ayaa waxaa uu ku soo oogay eedeymo badan mas’uuliyiin iyo ganacsato kuwaasoo loo haysto musuqmaasuq.

Liiska Dadka Lasoo eedeeyay

Prof Muhammad Swazuri, chairman, National Land Commission

Mr Tom Aziz Chavangi, secretary/CEO, NLC

Dr Salome Munubi, taxation and valuation director, NLC

Mr Francis Mugo, finance and administration director, NLC

Mr Atanas Kariuki Maina, CEO, Kenya Railways

Mr Victor Wahome Kariuki, land surveyor, Kenya Railways

Mr Elijah Mwenda Nyamu, assistant land surveyor, Kenya Railways

Mr John Mwangi Mwaniki, senior land surveyor, Lands ministry

Ms Caroline Kituyi, registrar of titles, Lands ministry

Mr Peter Ng’ang’a Mburu, registrar of titles, Lands ministry

Ms Gladys Mwikali Muyanga, principal lands registrar officer, Lands ministry

Mr Obadiah Mbugua Wainaina, private surveyor

Mr David Barno Some

Ms Esther Chebet Some alias Esther Fura Some

Shirkadaha

Dasahe Investments Limited

Keibukwo Investments Limited

Olemetit Estate Limited

 Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here