Magaalada Beledweyne Oo Laga Bilaabayo Qaadista Canshuuraha.

Maamulka Degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan qaadista canshuuraha magaaladaasi.

Cali Cabdiqaadir Sandheere Duqa magaalada Baladweyne oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in saddex waji ay yeelan doonto canshuurta ay qaadayaan, tan ugu horeysana ay tahay midda maalinle ah.

Waxaa uu xusay in arintaan canshuuraha ay shir ka yeesheen maamulka gobolka iyo kan Beledweyne islana garteen in la bilaabo canshuuraha, waxaa uu tilmaamay in suuqyada dhexe ay ka bilaabayaan qaadista canshuurtan sida suuqa xoolaha, khudaarta, bakhaaradda IWM

Duqa Magaalada ayaa shegay in hadda ay bilaabi doonaan qaadista canshuurta maalin laha ah, kadibna ay ku xejin doonaan tan billaha, halka midda saddexaadna ay tahay tan Sanadlaha ah.

Dhanka kale, Duqa Beledweyne ayaa ballanqaaday in lacagaha canshuuraha ah ee ay shacabka ka qaadaan ay dib ugu soo celin doonaan bulshada magaalada, islamarkaana lagu horumariyo adeegyada bulshada.

Shacabka Beledweyne ayaa marar badan sheegay in lacagaha looga qaado canshuurta aan shacabka wax loogu qaban ee maamulka magaalada aanay soo dhaafin.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso:

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here