Maxay Tahay Sababta Qaar Kamid Ah Dalalka Afrika Aysan U Dooneyn Ganacsiga Dharka Hudheyda Ah?

Qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika waxay sheegayaan in dharka hudheyda ah ee laga keeno dalalka reer galbeedka uu saamayn ku yeeshay warshadaha dharka soo saara ee Afrika.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame wuxuu yiri ” waxaan joogna xaalad aan kala dooranno dharka lasoo isticmaalay ee hudheyda ah iyo dharka ay soo hagaajiyaan warshadaha dalka”

Dalka Rwanda wuxuu qorsheynayaa inuu mamnuuco dharka hudheyda ah ee dalkaasi la geeyo sannadka 2019-ka, inkastoo dalkan uu horraan canshuuro ugu soo roggay hudheyda.

Ka ganacsiga dharka hudheyda wuxuu kumannaan shaqo uu abuuray dad badan oo ku dhaqan dalal badan oo Afrikaan ah.

Dalalka qaaradda Afrika waxay mar lahaan jireen warshado awood leh oo sameeya dharka balse dadka wax dhaleecaya waxay sheegayaan in dharka raqiiska ah ee hudheyda ee qaaradda lasoo geliyo ay saameyn ku yeesheen wax soo saarka warshadaha Afrika taaso saamayn ku yeelatay dhaqaalaha gobolka.

Waxaa jiraa ganacsi caalami ah oo dharka hudheyda ah, bakhaaro badan oo ku yaalla dalalka reer galbeedka ayaa loogu deeqay dharkan kaddibna waxay kasii iibinayaan ganacsato ku sugan Afrika iyo meela kale oo caalamka ka tirsan.

Waa ganacsi wayn, ganacsatada qaar ee bakhaarada waaweyn ku leh Afrika ayaa faa’ido badan ka sameeyay dharka hudheyda ah.

Sannadkii 2015-kii, dalalka ka tirsan ururka bulshada bariga Afrika ee EAC oo ay kamid yihiin dalalka Kenya, Rwanda, Tanzania iyo Uganda waxay shaaca ka qaadeen in laga bilaabo 2019-ka ay mamnuucayaan soo dhoofinta dharka hudheyda ah sii loo xoojiyo wax soo saarka dharka warshadaha gobolka.

Suuqyada dalalka bariga Afrika waxay ka helaan lacago gaaraya 274 milyan oo doolar oo u dhiganta 13% dhaqaalaha gobolka, sannadkii 2015-kii ayay bilaabeen inay canshuur ka qaadaan dharka hudheyda.

Mareykanka ayaa cadaadis ku saaray dalalka qaar inay dhimaan canshuuraha, balse dalal ka tirsan ururka bulshada bariga Afrika ayaa hoos u dhigay qiimaha canshuurta ay saareen aalabaha dibadda uga imaanaya islamarkaasna waxay ka baxeen qorshiihii lasoo jeediyay, balse dalka Rwanda wuxuu diiday inuu ku dhaqaaqo tallaabadaasi.

Bishii March ee sannadkan, Mareykanka wuxuu si ku meel gaar ah u hakiyay qorshe Rwanda ay uga mid noqon rabtay dalal Afrikaan oo xiriir dhanka gancsiga la samayn rabay Mareykanka.

Si kastaba, qorshaha dalalka bariga Afrika ay ku mamnuucayeen dharka hudheyda ma aysan taageerin dalal badan oo dadkoodu ay ku tiirsan yihiin ganacsiga dharka hudheyda ah.

Dalalka Afrikaanka waxaa cadaadis uga imaanayay bangiga Adduunka iyo ha’yadda lacagta adduunka, kuwaaso sameeyay barnaamijyo la doonaya in lagu dhimo qiimaha canshuurta ee badeecadaha sii ay suuq ugu furaan wax soo saarka dalalkooda.

Arrintan waxay u fududeysay dalalka ku yaalla qaaradda Yurub, Mareykanka iyo Asia in dharka ay sameeyeen ay u dhoofiyaan qaaradda Afrika.

Sannadkii 2006-dii, daraasad uu sameeyay dalka Jarmalka ayuu ku sheegay in wax soo saarka warshadaha dharka ee dalka Ghana uu hoos u dhac ku yimid boqolkiiba 50 intii u dhexeeysay sanadihii 1975-tii iyo 2000.

Dalka Zambia ayaa sidoo kale kamid ah dalalka uu hoos u dhacay ku yimid warshadaha soo saara dharka.

Colaadda iyo xasilooni darrida ayaa sidoo kale saamayn ku reebay ganacsiga qaaradda.

Tan iyo intii Rwanda ay canshuurta kusoo rogtay dharka hudheyda ah ee dibadaha uga yimaado, warbixin ay dowladda soo saartay ayaa muujinaysaa in dharka ay sameeyaan warshadaha Rwanda laga helay dhakhli 7 milyan oo doolaa ilaa 9 milyan oo doolaar islamarkaasna uu wax soo saarka sare uu kacay.

Shirkadda soo saarta dharka ee dalka Shiinaha ayaa warshaddii ugu horreysay ka furtay dalka Rwanda sannadkii 2015-kii, hadda waxay shaqaalaysiisay 1,400 qof oo dalkaasi u dhashay, waxayna soo saartaa warshaddani dharka ay xirtaan ciidammada booliska iyo militariga dalkaasi.

Ka ganacsiga dharka hudheyda ayaa dhakhli badan kasoo hoyiyay dalalka bariga Afrika, wuxuuna shaqo abuur u sameeyay dad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here